Somali News
    Hees  

Guure Xasan Axmed "Booqashada madaxweynaha ee Baladweyn inuu khudbada noo jeedyo waxaa nooga fiicneed hal loor oo bariis ah ama kartoon daawo ah inuu noo keeno..."

Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Xasan Sheekh oo weji gabax kala kulmay booqashadiisii magaalada B/Weyne

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weji gabax weyn kala kulmay booqashadiisii uu ku tegay magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka dhaceen masiibooyin fatahaado geystay qasaaro naf iyo maalba leh, kaddib markii wabiga Shabeelle oo magaalada dhex mara uu ku fatahay magaalada Beled Weyne oo dhan.

Sida ay sheegayaan waxgarad ku dhaqan magaalada B/Weyne, aqoonyahano iyo bulshada ku dhaqan magaalada ayaa ku tilmaamay booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh inay ahayd mid aan muhiim u ahayd dadka degan gobolka Hiiraan.

"Nasiib darrada ugu weyni waxay tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh booqashadiisii ugu horeysay ee uu B/Weyne ku tegay inay mid weji gabax ah, bacdamaa dad dhibaateysan aanu wax gurmad ah u sameynin" ayuu yiri Guure Xasan Axmed oo ka mid ah waxgaradka magaalada B/Weyne.

Dadka ku nool magaalada Beled Weyne oo intoodii badneyd ay ka barakaceen guryahooda, iyagoo u barakacay duleedka magaalada ayaa halkaasi ku heysataa dhibaatooyin kala duwan, waxayna haatan qarka u saaran yihiin inay cuduro ka dillaacaan halkii ay u barakaceen.

"Madaxweynaha xitaa hal loor oo bariis ah ama kartoon daawo ah inuu u keeno dadka dhibaateysan ayaa uga kheyr rooneyd intii uu khudbad aan macno u lahayn dadka B/Weyne la soo istaagi lahaa" ayuu yiri mid ka mid ah aqoonyahanada degan magaalada B/Weyne.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa iyagu waxay sheegeen in Madaxweynaha uu u gefay dadka ku dhaqan gobolka, kaddib markii uu ugu hanjabay inay u adeegayaan cid kale, hadalkaasi oo meel ka dhac ku ah dadka gobolka, isla markaana aanu ahayn hadal uu ku dhawaaqo shaqsi Madaxweyne Qaran ah.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)