Somali News
    Hees  

Kooxda DBG oo laga dhigi la’yahay hogaanka horyaalka Seria C & kulamadii ugu danbeeyey + Sawiro

Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxda DBG oo laga dhigi la’yahay hogaanka horyaalka Seria C & kulamadii ugu danbeeyey + Sawiro

Iyadoo weli garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha uu ka socdo horyaalka kubadda cagta ee heerarka kala duwan ee dalka Soomaaliya, ayaa kooxda DBG weli laga loodin la’yahay hogaaminta horyaalka qeybtiisa C-da.

Kooxda DBG oo xili ciyaareedkan si weyn ugu soo diyaargarowdey horyaalka ayaa kulamadii dhamaan ee ay yeelatey guuleysatey, iyadoona weli xitaa hal kulan aysan gelin bar-bar dhac marka loo eego kooxaha kale ee tartanka.

DBG oo ciyaaryahano si weyn loo amaaney oo mustaqbal leh ay u dheelaan, ayaa kulamadii ugu danbeeyey ee ay ciyaartey waxay la kulantay Sped oo ay 1-0 ku dhaafeen waxaana goolkasi qura u dhaliyey xidiga Jibriil Shiino oo horey uga tirsanaa kooxda Sped ee uu goolka ka dhaliyey.

Sidoo kale kulankii ugu danbeeyey ee 4-aad ee ay kooxdu yeelatey waxay 2-1 ku dhaaftey Jamhuuriya oo lagu tiriyo kooxaha ugu cad cad horyaalka xagaagii horena kasoo dhacdey heerka B, waxaana DBG labada gool u kala dhaliyey Jibriil Cali Shiine iyo Captanka C/raxmaan al-cadaala.

Tababaraha kooxda DBG macalin Ajeeloow oo ka mid ahaa xidigii kooxihii bari-samaadka gaar ahaan kooxdii D/Hoose ayaa sheegey in kulankii ay 1-0 uga badiyeen SPED uu ahaa kii ugu adkaa ee ay ciyaaraan,isagoo xusey inay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan kooxdaasi.

Horyaalka oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood ayaa waxaa weli hogaanka 12-dhibic ku heeysa DBG oo 4 kulan oo ay yeesheen dhamaan guuleystay,waxaana kusoo xigta kooxda FC Banaadir oo kulankeedii ugu danbeeyey 4-1 ku martey kooxda Gesco waxay leedahay 10-dhibic.






By-C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)