|
Magaalada Kismaayo oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal beeleed
Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Magaalada Kismaayo oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal beeleed.
Warar ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay si aad ah u kacsan tahay lagana cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya beelo hore ugu loolamayay gacan ku dhigida magaalada.
Magaalada Kismaayo ayaa ah mid ay si aad ahgacan ku heyteeda ugu dagaalameen beelaha Hawiye iyo Daarood tan iyo sanadkii 1991-kii bur burkii dowlada dhexe kadib, waana markii ugu horeysay ee beesha Ogaadeen ay gacanta ku dhigto magaalo xeebeedka istaraatijiga ah ee Kismaayo iyada garab ka heleysa Dowlada Kenya.
Afhayeen hore ugu hadlay wasaarada gaashaandhiga ee dalka Kenya sheegay xili ay ay u adkaatay in ciidamadooda jibaaxaan difaaca adag ee ururka Al shabaab in qabsashada Kismaayo ay ka hortaagan yihiin beelaha Hawiye iyo Sede, waxaana haatan soo baxaya warar hoose oo sheegaya in dowlada Kenya ay in ay magaalada Kismaayo maamul maqaar saar ah oo ka shaqeeya danaheeda gaarka ah.
Warar laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ururka al shabaab ay haatan doonayaan in xiriir dhow la yeeshaan beelaha ka biyo diidan qabsashada ciidamada Kenya ee magaalada kismaayo , iyadoo warar kalana ay sheegayaan in al shabaab ay doonayaan in wada hadal la galaan hogaamiye kooxeedka Barre Aadan Shire Hiiraale.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|