Somali News
    Hees  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisa ugu horeeya ku tagi doona dalka Uganda

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisa ugu horeeya ku tagi doona dalka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya Professor Xasan Sheekh maxamuud ayaa booqashadiisii ugu horeysay ee uu dalka dibada kaga baxo ku tagi doona magaalada Kampala ee dalka uganda.

Madaxweyne Professor xasan sheekh maxamuud ayaa la filayaa in uu maalinta isniinta oo taariikhda tahay 08/010/2012 uu kasoo amba baxo magaalada muqdisho, wuxuuna madax weyne professor Xasan sheekh maxamuud kamid yahay marti sharaf kala duwan oo isugu jira madax weynayaal iyo ra'iisul wasaarayaal lka kala socda caalamka oo lagu marti qaaday kasoo qeyb galka sanad guurada 50 - aad ee kasoo wareegtay markii dowlada Uganda ka xorowday gumeysigii Ingiriiska 1962 - 2012.

Madaxweyne Professor xasan sheekh maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona ra'iisul wasaaraha cusub kadib markii uu soo gaba gabeeyay wada tashi iyo ka baaraan dagid dheer oo uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed si loo helo ra'iisul wasaare lagu wada kalsoon yahay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)