Somali News
    Hees  

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo magaalada Kismaayo ku toogatay Kooxo Amaan daro waday

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada dowlada Soomaaliya oo magaalada Kismaayo ku toogatay Kooxo Amaan daro waday

Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay shalay gallinkii dambe toogasho ku dilay laba ruux oo weerar bam gacmeed loo adeegsaday ku qaaday Saldhig ay Ciidamadu ku leeyihiin Bartamaha Kismaayo .

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Rufle oo warfidiyeenka kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ay isku dayeen qaraxa kaddib inay ciidamada la dagaalamaan, ciidamaduna ay fuliyeen waajibkooda ayna toogteen.

Sarkaal ayaa Sidoo kale,wuxuu sheegay in ciidamadu ay qabteen tiro kale oo ka tirsanaa kooxahii weerarka isku dayay isagoo ka gaabsaday in uu sheego tiradooda waxaana uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ay diyaar u yihiin ka hortagida wax walba oo lidi ku ah amaanka Kismaayo.
Afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay ciidamada dowladda bambkii lagu weeraray, iyadoo wararka madaxbannaan ee laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in ciidamada dowladdu ay shalay toogteen shan qof.

Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinkii ay Al-shabaab ka talinayeern muddo shan sano ka badan, kuwaasoo ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya iyo Kenya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)