Somali News
    Hees  

Mas'uuiyiinta maamulka G/Hiiraan oo ku baaqay in la kordhiyo Hawlaha gargaarka ee dadkii ku waxyeeloobay fatahaadda Wabiga

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mas'uuiyiinta maamulka G/Hiiraan oo ku baaqay in la kordhiyo Hawlaha gargaarka ee dadkii ku waxyeeloobay fatahaadda Wabiga

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in ay ka soo reeyneyso xaaladda dadkii ku barakacay fatahaaddii uu gestay Wabiga Shabeelle.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamuud Nuur Cagajoof oo la hadlay warbahinta isagoo ku sugan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee dadkii ku barakacay fatahaadda Wabiga ay soo hagaageyso kadib markii ay dadkaasi heleen gurmad wax ku ool ah

Cagajoof Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in gurmadka hadda socda uusan dabooli Karin baahida dadkaasi, wuxuuna ka dalbaday hey’adaha samafalka in ay la soo gaaraan gurmad ka ballaaran kan iminka socda.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka gobolku uu dadaal badan ku bixinayo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka dadka barakacayaasha ah iyo si aysan dhibaato uga dhalan qeybinta gargaarka la gaarsiiyo dadkaasi.

Boqollaal qoys oo ka mid ah dadkii degganaa magaalada Beledweyne ayaa ka Barakacay guryahoodii kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo dhexmara Magaaladaasi iyadoo dadkaasina ay u barakaceen duleedyada magaalada Beledweyn.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)