Somali News
    Hees  

Agaasimaha Golaha Baarlamanka oo ka warbixiyay dib u dayactirka guriga ummadda

Mogadishu Jimco 5 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Agaasimaha Golaha Baarlamanka oo ka warbixiyay dib u dayactirka guriga ummadda

Agaasimaha golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha lagu dhisayo guriga ummadda ee gaarka u ahaa xubnaha baralamaaka soomalaiyeed heerka uu maraayo di u dayactir haatan lagu waddo dib loogu furo ..

Maxamed C/llaahi Cabdi Ciyoow agaasimaha Baarlamanka oo la hadlay ragga wararka ayaa sheegay in guriga ummadda la dhisay sanadkii 1968 xiligii uu Madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke.

agaasimaha ayaa intaa ku daray in Injineerrada dhismaha ay ku taliyeen in dib loo dhiso xarunta golaha Shacabka maadaama dhismaha hadda ee burbursan uusan jirikarin muddo dheer, sidaas darteed ayuu yiri dib ayaa loo dhisayaa.

guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari ayaa dadaal ugu jira sidii mudanayaasha iyo shaqaalaha Baarlamankaba ay u heli lahaayeen meel wanaagsan oo ay ku qabsadaan howlahooda, waxaana jira waddamo kaladuwan oo sheegay in ay dhisayaan golaha Shacabka haddana wali guddoomiyaha ayaa laga sugayaa waddanka loo igmandoono dhismaha Baarlamanka’’ ayuu yiri Agaasimaha Baarlamanka.

Kulankii ugu dambeeeyay ee Baarlamanka ayaa Prof. Jawaari waxa uu mudanayaasha u sheegay in injineerradu ku taliyeen in la burburiyo dhismaha hadda lana billaabo dhismo cusub oo ka ballaaran kan iminka jira kaas oo dhismihiisu qaadan karo muddo hal sano ah maadaama uusan sii raagi Karin dhismaha golaha Baarlamanka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)