Somali News
    Hees  

Hay'adaha ammaanka Soomaaliya oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray go'aanno ammaanka dalka lagu adkeynayo

Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hay'adaha ammaanka Soomaaliya oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray go'aanno ammaanka dalka lagu adkeynayo.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan gudiga ammaanka Qaranka, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay xarunta taliska ciidamada Booliska ee Muqdisho, waxaana ka qeyb galay wasiirkaGaashaandhiga , Wasiirka arrimaha gudaha, Taliyaha ciidamada XDS, Taliyaha ciidanka Booliska, Agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo Taliyaha ciidanka Booliska AMISOM.

Kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray go'aanno ammaanka lagu adkeynayo, iyadoo go'aan lagu gaaray inaan hub lagu dhex qaadan karin magaalada Muqdisho, sidoo kale ciddii rasaas ku ridda magaalada dhexdeeda laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Xuseen Carab Ciise oo ah Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ayaa sheegay in kulankaas ay kasoo baxeen qodobbo muhiim ah, wuxuuna cadeeyay in kulankaasi uu ahaa mid looga hadlaayay ammaanka caasimadda Soomaaliya . 

"Waxaana ku baaqaynaa in hub aan lagu dhexqaadan karin magaalada, si ammaanka Muqdisho la adkeeyo" ayuu yiri wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo sheegay in askarigii ama qofkii rasaas ku rida magaalada dhexdeeda sharciga la marsiin doono, islamarkaana talaabo adag laga qaadi doono. 

"Lama samayn karo dabaal degyo iyo in rasaas aan si macno darro ah loogu rido gudaha magaalada Muqdisho" ayuu yiri wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo shacabka u soo jeediyay inay gacan ka siiyaan ciidamada dowladda sidii lagu qaban lahaa cid walba oo caqabad ku ah ammaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdisamad Macallin Maxamuud Wasiirkii horre ee arrimaha gudaha ayaa ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay habeen iyo maalin u u taagan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen ammaan darida ka jirta Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirkii hore ee arrimaha gudagha inay bilaaban doonaan howgallo cusub, isagoo sheegay in ciidamadu sameynayaan maalmaha soo socda howgallo dheeraad ah, isagoo xusay in cid kasta oo hub si sharci daro ah ugu dhexwadata Magaalada ay ciidamadu qaban doonaan.

Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha ciidamada xoogga oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheeagy in haddii uusan ammaan jirin aanu horumar jirin, isagoo sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciidamada .

Taliyaha Ciidamada Xoogga waxa uu sheegay in haddii ammaan uusan jirin aysan waxbarasho jirin, islamarkaasna nasasho ayasan jirin , dalxiis ma jiro, cibaadadana lama gudan karo. Si ammaanka loo sugo waxaa loo baahan yahay in shacabka ay gacan siiyaan ciidamada dowladda," ayuu Jen. Diini u sheegay warfidiyeenka.

Waxaa ugu dambayntii halkaasi ka hadlay Jen. Shariif Sheekhunaa Maye Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegay in qaladaad dhinaca ammaanka ah ay mararka qaar ka dhacaan Muqdisho, isagoo sheegay inaan la ogolaan doonin baabuur aan taargo ama sumad lahayn oo magaalada dhexmaraya, islamarkaana ciidamadu ay diyaar u yihiin inay qabtaan gaarigaasi kana qaadaan talabada ku haboon.

 

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)