Somali News
    Hees  

Qabanqaabadii ugu dambeeysay ee ku dhawaaqista magacabista Ra'iisul wasaaraha cusub oo hadda ka socota Xarunta Villa Soomaaliya

Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qabanqaabadii ugu dambeeysay ee ku dhawaaqista magacabista Ra'iisul wasaaraha cusub oo hadda ka socota Xarunta Villa Soomaaliya.

Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee xukuumadda dalka Soomaaliya.

Wararka ay soo sheegayaan weriyashaasha laga casuumar xarunta madaxtooyadda ayaa waxay soo sheegayaan in hadda ay qabanqaabadu tahay mid gabagabo ah ayna kusugan yihiin goobta uu madaxweynughhu kaga dhawaaqaayo qadar haatan ay inaga xigto wax yar oo daqiiqaddo ah iyadoo ay halkaasina ku sugan yihiin madax kala duwan iyo sidoo kale saraakiisha ciidamadda kala duwan ee dawladda..

Madaxweynaha jamhuiuriyadda federalaka soomaliya Dr Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qofka uu usoo xushay inuu ka dhigo Ra’iisul Wasaaraha mudada afarta sano ee soo socta ee uu xilka haynayo kasdib markii uu in muddo ah ku guda jiray la tashiyo iyo shirar gaar gaar ah.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ilaa iyo hadda si rasmi ahaan ah loo ogeynin cidda uu soo magacaabaayo marka laga reebo nin lagu magacaabo saacid oo uu u batay afka dadka iyo hadal haytna bulshadda balse waxaa la dhawr raayaa soo magacaabayo ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.oo hadda miiska saran in lagu dhawaaqo

Dadweeynaha soomaliyeed ayaa iyagu dhagta ku haayan dhageysiga warbaahinta si ay ula socdaan waxa soo yeeridoono iyo inay maqlaan wararkii ugu dambeeyay ee soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)