Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowlada oo kaabiga ku haaya Magaalada Wanleweyne

Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Dowlada oo kaabiga ku haaya Magaalada Wanleweyne

Magaalada Wanleweyn dadka qaarna ay u yaqaanaan Daafeed ayaa Saacado ka hor waxaa isaga baxay Maamulkii iyo Malayshaadkii Kooxda Alshabaab ay ka arimineysay halkaas ka dib markii Ciidamada dowlada ay gaareen daqiiqado ka hor Koontorolka Magaaladasi dhinaca Muqdisho xigta.

Qof goobjoog ah ayaa somaliweyn.com u xaqiijiyay in daqiiqad walba la filan karo soo galitaanka ciidamada dowlada maadaama aanu joogin magaaladasi malayshaadkii hore ugu sugnaa.

“ in ka badan 100 gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan Kaarayaal iyo ciidan lagu qiyaasay ilaa 1500 oo Askari ayaa waxaa ay dul joogaan magaalada dhamaan ciidankii Alshabaab waa ay isaga baxeen magaalada inkastoo magaalada ay xiligan dagantahay hada wax maamul ah oo ka taliya majiro ayuu yiri “ goobjooge ka gaabsaday magaciisa in la isticmaalo

Ciidamda dowlada ayaa maalahii ugu dambeyay waxaa ay si xoogan baacsi ugu hayeen Kooxda Alshabaab iyadoo magaaladii ugu weyneed ee gacantooda ku jirtay Kismaayo todobaadkii hore laga faramaroojiyay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)