Somali News
    Hees  

Tobabar ku saabsan kobcinta xirfadda waxbarasho ee dadka naafadda ah oo lagu qabtay Hargeysa

hargeysa Sabti 6 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Tobabar ku saabsan kobcinta xirfadda waxbarasho ee dadka naafadda ah oo lagu qabtay Hargeysa

Tobabar ku saabsan sidii dhaqaale abuur loogu samayn lahaa dadka naafadda ah oo uu soo qabanqaabiyay ururka DIWO oo ka shaqeeya taageerada naafadda, ayaa maanta lagu qabtay hudheelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Ibraahin Daarood oo tobabarka furay, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ku dartay siyaasaddeeda waxbarashada iyo taageerada dadka naafadda ah iyo kuwa bulshada ka takoorayn sidii ay fursad waxbarasho u heli lahaayeen.

Tobabarkan oo ay ka soo qaybgaleen 30 xubnood oo ka socda ururada bulshada waxaa furitaankiisa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka DIWO Dr. Xamse Ismaaciil Cabdillaahi oo ka hadlay waxyaabaha uu ka shaqeeyo ururku, waxaannu yidhi, “Ururka DIWO waa urur ka shaqeeya waxbarashada oo ah qaybaha ugu muhiimsan ee uu xoogga saaro, gaar ahaan dadka tagta daran ee naafada amma danyarta, caafimaadka iyo xuquuqda qaybaha kala duwan ee bulshada.”

Guddoomiyaha uruka DIWO waxa uu sheegay inuu tobabarku la xidhiidho xirfad abuur loo sammeeo naafadda, isagoo intaa ku daray inay mashruucani salka ku hayo tobabar waxbarasho oo lix bilooda, “Mashruucani waa mid xirfad abuura oio lagu train garaynayo dad handicap ah, oo ah dadka wax baran kara, waana kooras socon dona lix bilood, waa waxbarasho dadban oo dadka aan markii ay yaraayeen haleelin fursad u helayaan Inay boosaskoodii bulshada door muhiima ka ciyaaraan. Insha allaah waxaan ku rajoweynaha inay dadka naafadda iyo qoysaskoodu ka faa’iidaysan doonaan mashruucan”ayuu yidhi Dr. Xamse

Guddoomiyaha DIWO waxa uu u mahadnaqay Hay’adda ABILIS oo ka caawisay hirgelinta mashruuca tobabarka waxbarashada xirfadeed ee dadka naafadda ah.

Agaasimaha Dalladda ay ku bahoobeen ururadda Naafada Somaliland ee SNDF Mr. Xasan Ismaaciil, ayaa farriin u diray dadka naafadda ah, uguna baaqay inay awoodooda aqoonsadaan, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Naafaddu inay niyadooda dhisaan oo aqoonsadaan inay wax qabsan karaan, waana ilaahay mahaddii in dad badan waxbarasho amma shaqo galeen, laakiin waxaynu u baahanahay in lagu wacyigeliyo inay wax qabtaan, wax kastana fadhigay ku qaban karaan, tusaale ahaan Dr. Xamse waad aragtaan isagoo kursigaa ku fadhiyo inuu ururka Guddoomiye ka yahay oo wax badan taray naafadda oo debedda ka keenay qalab.”

Dayib Maxamed Odowaa, oo ka mid ah saraakiisha Candle light, ayaa sheegay in mashruucani yahay mid daboolaya baahida dadka naafadda ah, islamarkaana ay ka soo bixi karaan hoggaamiyayaal,lana tir trio fikirka lag aaaminsanyahay naafadda “Waa mashruuc dhallinyarada naafadda ahi dhaqaale iyo nolol naftooda ugula soo bixi lahaayeen Wacyigelin dhaqan ahaan waxaynu aaminsahay inaan naafadu waxba qaban karin, Dhaqankaas hore ee naafadda lagu yasi jiray waxaynu u baahanahay inaynu fikirka noocaasa bedelno, oo hoggaamiyeyaal ka soo baxaan naafadda, sida Xamse oo kale.”



Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)