|
M.GHEDI: "Xushmeynta xildhibaanadii hore, daryeelka ciidamada naafada
iyo ka fiirsashada arrimaha Kismaayo waxay xal u noqon karaan xaaladda
wadanka"
Mogadishu Sabti 6 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

M.GHEDI: "Xushmeynta xildhibaanadii hore, daryeelka ciidamada naafada
iyo ka fiirsashada arrimaha Kismaayo waxay xal u noqon karaan xaaladda
wadanka"
Xildhibaanadii hore waxay dalka iyo dadkaba usoo shaqeeyeen xilli aad
u adkaay, iyagoo ay naftoodii ku waayeen xilligaas dhowr iyo
tobanneeyo Xildhibaan, sidoo kale dhowr iyo toban kalana ay ka soo
gaareen dhaawacyo cul-culus, intaas waxaa usii dheeraay daryeen
la'aan sida mushaar iyo gunno la'aan iyo hanjabaad joogto aheyd oo
kaga imaaneysey kuwii dowlad-diidka ahaay.
Waxaannu xubin ka ahaan jiray baarlamaankii horey ee dowladdii FKMG
aheyd, waxaana u soo joogey aniga oo aanan wax mushaar iyo gunno toona
aanan qaadan muddo sagaal (9) billood ah January 12, 2012 ilaa
September 6th,2012.
Muddadaas 9-ka billood aheyd, ammaan-darro awgeed waxaan deganey
Hoteel ku yiil agagaarka gurigii Shaqaalaha ee wadada Maka al mukarama
ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, hoteelkii wuxuu igu yeeshey lacag
dhan $ 13,600.00 dollar Mareykan ah.
Waxaa iigu darneyd, aniga oo aanan filey ayuu maamulkii hoteelku ii
soo garaacey albaabkii qolkii aan ka deganey hotelka, wuxuunna igu
wargeliyay in aan lacagta oo dhan ku bixiyo muddo sedex (3) berri
gudohood ah, haddii annnu ku bixin waayo muddaddaas, wixii xumaan ah
oo yimaado in aan anigu mas'uul ka noqon doono, intaas ka dib, waxaan
si deg deg ah ula xariirey shir guddoonkii baarlamaankii FKMG ahay,
wuxuuna shir guddoonkii xilligaas si jilicsan iigu jawaabay" xildhibaan lacag lama haayo ee is-debar".
Nasiib wanaag, muddaddii la ii qabtay gudohood, waxaa lacagtii uu
hotelku igu lahaay iga dhiibay xubno ka mid ah qoyskeyga, ha yeeshee
waxaan ogaadey inay jireen boqolaal xildhibaan oo kale oo lagu lahay
deynman fara badan, misana aanan iska bixin kareyn, xaaladii ay
xilligaas ku sugnaayeen xildhibaanaddii waxaan ka qorey maqaal uu
ciwaankiisu ahey " xildhibaanada kuwooda ka bad-baada xabadda
waxaysan ka bad-baadi doonin xabsi".
Balse nasiib-wanaag, waxaa meeshii ka baxay shir guddoonkii hore ee
baarlamaankii KMG ahaay, waxaana yimid shir guddoon cusub oo aanan ku
meel gaar aheyn, oo uu hoggaaminaayo Professor Mohamed Osman Jawaari,
asagoo shir uu dhowaan la yeeshey qaar ka mid xildhibaanaddii hore u
ballan qaaday, wixii hadda ka danbeeya inay xildhibaanaddi hore heli
doonaan xaquuq joogto ah iyo xushmad joogto ah sida uu qabo xeerka
caalamiga ah ee looga dhaqmo adduunka oo dhan, taas oo noqoneysa
waacusub oo u beryey xildhibaanaddii hore, kuwa cusub iyo kuwa
mastaq-balka soo socda.
Dhinaca kale, si looga kaaftoomo ciidamo shisheeye, loona jeclaado ka
mid noqoshada ciidamada qaranka Soomaliyeed, gaar ahaan ciidanka xogga
dalka Soomaaliyeed oo magac weyn ku lahaan jirey adduun weynaha,
gaar ahaan qaarada Afrika, looguna yeeri jiray magacyo ay ka mid
ahaayeen geesiyaalka birta ah, geesiyaalka Afrika, Libaax-yada Afrika,
sooma jeestayaal iwm, ayaa waxaa nasiib-darro, in muddo 22-sano ah
aanan la daryeelin naafaddii soo hooyay magaca diiwaanka adduunka u
galay ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan naafaddii ka qeyb
gashey dagaaladdii 1964-kii, 1977kii iyo kuwii qaranimo daafac u
naafoobey 22-tankan sano oo aheyd is-ku dhex yaac.
Dowladda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa
inay si degdeg ah u sameyso qorsho lagu sugaayo ammaanka Wariyaasha ka
hawlgala gudaha Soomaliya, gaar ahaan caasimada Somaliya ee Muqdisho
oo si ba'an loo ugaar-sanaaney dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Ugu danbeyntii, waxaan halkaan hambalyo uga diraayaa, dadka wada dega
jubooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo dhowaan laga xorreeyey
kuwii talada xumaay, mahadcelin waxaa iska leh Ilahay, amaanna waxaa
leh ciidamada Xaogga dalka Somaaliyeed iyo ciidamada Amisom oo iska
kaashaday xorreynta goballaddaas.
Waxaan ugu baaqayaa dadka wada dega jubooyinka, inay sameystaan maamul
ay isaga wada raali yihiin, iyaga oo kala tashanaaya Dowlada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed, waxaanna uga digaayaa inaysan
beel ka mid ah beelaha dega jubooyinka ku kedsoomin "Biriq aanan
biyo noqon doonin", sidoo kale waxaan uga digaayaa dowladaha deriska
la ah Soomaaliya inay soo farageliyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya,
maadaama ay Soomaliya ay ka baxday ku meel gaar oo ay noqotay dowlad
rasmi ah.
Qore: Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Ex-Xildhibaan.
xilqaad12@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|