|
Xaflad Lagu Soo dhaweynayo Ra’iisal Wasaareha cusub, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo lagu qabtay Ludvika
Ludvika axad 7 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaflad balaaran oo lagu taageerayey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Md Cabdi Faarax Garaad Shirdoon(Saacid), Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu qabtay magaalada Ludvika gobolka Dalarna ee dalka Sweden.
Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen jaaliyada reer Ludvika iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heeso wadani ah iyo qudbooyin xamaasadaysan.
Furitaankii xaflada ayaa ugu horeyn lagu furay heesta astaanta calanka iyadoo ay xigsadeen qudbooyinka waxaana ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay. Khaalid Cali, Cabdi Rooble, Osmaan Maxamed Colow, Raxmo Maxamuud Gacal, Mustafa Xasan Cilmi, Cumar Mukhtaar, Maxamed Xasan Faarax iyo Marwo Shamso Xuseen.
Dadkaasi dhamaantood waxay ka hadleen marxaladii ay soo martay taariikhda Soomaaliya iyo dowladihii KMG ahaa waxayna qireen in haatan taasi laga baxay loona gudbay dowlad Rasmi ah.
Gabdhaha oo hadalkooda qiiro badnaa ayaa waxay dowlada cusub ka codsadeen in dhibaato wayn ay ku haysato qurbaha isla markaana dowlada cusub looga baahan yahay inay ka shaqeyso sidii dadkeeda ugu celin lahayd dalkooda oo nabadii iyo kala danbeyntii soo celisa.
Marwo Raxmo Gacal ayaa sheegtay in ay timi qurabaha iyadoo 14 jir ah isla markaana ay haatan ay tahay hooyo caruur ku dhashay dalka dibadiisa una baahan tahay inay dib ugu laabato dalkeeda hadii lasoo celiyo amaanka iyo hanaankii dowladnimo.
Sidoo kale waxaa googta ka hadlay Marwo Shamso Xuseen aya aiyana ku dheerataywanaagii ay la heed dowladdi dhexe ee Soomaaliya , iyadoo qiiro galisay dhamaan ummadii ka soo qeyb gashay xaflada.
Xafladaan ayaa ahayd midii ugu quruxda iyo hab maamuuska wanaagsayd ee ka dhacda gobolka Dalarna iyadoo galabta uun ay ahayd markii lagu dhawaaqay Ra iisul wasaaraha cusub.























Fardowso Sh Hassan Kuriya
Ludvika Swedan
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|