|
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Hindiya ee Soomaaliya
Mogadishu axad 7 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya ee Soomaaliya Ambasador Sibabrata Tripathia
(Mogadishu, Somalia, October,07, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya ee Soomaaliya Ambasador Sibabrata Tripathia.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Safiirka Hindiya ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dalka , Ganacsiga, Dib u dhiska, Horumarinta, Ammaanka, iskaashiga labada Dowladood iyo arrimo kale.
Ugu dambeeyntii Ambasador Sibabrata Tripathia ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ugu hambalyeeyey xilalka cusub.




- Dhamaad –
Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|