Somali News
    Hees  

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dhowaan ku dhaawacmay Masiibadii ka Dhacday Maqaayadii Hooyooyinka oo Deeq lacageed la guddoonsiiyey

Mogadishu axad 7 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dhowaan ku dhaawacmay Masiibadii ka Dhacday Maqaayadii Hooyooyinka oo Deeq lacageed la guddoonsiiyey.

Muqdisho, October 7, 2012

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, isagoo ka wakiil ah Hay’adda Doha Center ee dalka Qadar, ayaa deeq lacageed gaarsiiyay$4000 saddexdii weriye ee qabay dhaawacyada kuna dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay maqaayada Hooyooyinka oo ay saddex weriye kku dhinteen, todoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Weriyayaasha oo ku sugnaa isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo kala guddoonsiiyay sida soo socota: Cabdullahi Maxamed “Suldaan” waxaa la guddoonsiiyey 2000$ oo ay ku jirto lacagtii xawilaada iyo sariffka sidoo kale Maxamed Xuseen“Gentleman” ayaa isna la guddoonsiiyey 1000$ iyo Abdikarin Gutale oo isna la guddoonsiiyay 1000$ iyagoo Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed uu gacantiisa ku guddoonsiiyay.

Munaasabada wareejinta deeqda oo ka dhacday isbitaalka Daaru-Shifa ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta ay warbaahinada maxaliga ah oo ay ka mid yihiin Maamulaha Television Royal International, Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo Radio Kulmiye.

“Waxaa sharaf inoo ah in aan idinku wareejino deeqdan qaaliga ah oo loogu talo galay in aad isaga bixisaan daawadiina, deeqdan oo ay idinkugu yaboohday Hay’ada Doha Center oo fadhigeedu yahay dalka Qadar.” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) isagoo raaciyey, “ Anigoo ku hadlaya dhamaan magaca suxufiyiinta iyo kan bahda saxaafadaba, waxaan u mahadcelinayaa Hay’ada DCMF oo had iyo jeer taageero la garab taagan suxufiyiinta Soomaaliyeed isla mar ahaantaana xanuunka la qeybsada.”

Maxamed Xuseen “Gentleman” oo ku hadlayay magaca suxufiyiinta dhaawaca ah ayaa u mahadceliyey hay’ada Doha Center oo deeqdan soo gaarsiisay, isla markaana wacad ku maray in ay howshooda sii wadi doonaan marka ay dhaawacyada ka bogsoodaan si ay ummada Soomaaliyeed ugu shaqeeyaan.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag iyagoo u bareeray qataro badan, sanadkan keli ah ayaa 15 suxufi waxaa lagu dilay dalka Soomaaliyeed.

Deeqdan ma ahani tii ugu horeysay ee Hay’ada Doha Center for Media Freedom (DCMF) soo gaarsisay suxufiyiinta Soomaaliyeed balse hay’addu waxay horey u taageertan suxufiyiin ka badan hal dersin oo ay ku jiraan kuwii ku dhaawacmay tiyaatarka Qaranka, taasoo ka dhigeysa hay’adda keli ah ee u heelan wax u qabashada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu baadi goob ugu jiraa sidii uu dhaqaale weriye Abdulkadir Cumar Cabdulle oo bishii July dabley bastoolado ku hubeysan ay ku dhaawaceen gurigiisa agtiisa, kadibna loo duuliyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu qalliin lagula sameeyay, iyadoo qarashka ku baxayay dawadiisa oo gaarayay 18000$ ay bixisay hay’ada dhalinyarada maxaliga ah ee SYU.

Hasse ahaatee, dhakhtarka weriyaha oo lagu magacaabo Dr. M. Wanyoike ayaa ku taliyey in qaliin labaad lagu sameeyo, taasoo hay’ada SYU ee horey u bixisay daweyntiisii hore ay sheegtay in aanay awoodin in ay bixiyaan lacag qaliin labaad lagula sameeyo oo gaaraya 6000$ ugu yaraan.

Sidoo kale, Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu bilaabay in uu lacag uga aruuriyo dalka gudihiisa artiste/cartoonist Cabdullahi Alif oo dhowaan qaliin lagula sameeyay lugtiisa ku waayay kadib markii cudurka sonkorka uu haleelay, Ururka waxa uu ka codsanayaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee Qurbaha jooga inay taageeran isla markaana garab isaagaan saaxiibadooda bahda Saxaafada ee dhibaatada heysato.





For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Second Floor, Press House, Taleex Street, KM4 Area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so / nusojsomali@gmail.com or nusoj@ymail.com
E-Newsletter: newsletter@nusoj.org.so
Internet: http://www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)