|
Jan. Dhegabadan: "Ciidamada si buuxda ayay ula wareegeen saakay Wanllaweyn iyo Daafeed iyadoo aan shacabka la argagax gelin"
Mogadishu axad 7 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Jan. Dhegabadan: "Ciidamada si buuxda ayay ula wareegeen saakay Wanllaweyn iyo Daafeed iyadoo aan shacabka la argagax gelin"
Waxaa iska soo daba dhacaya wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo saakay ay la wareegeen ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM, iyadoo ciidamada Dowladda ay u gacan galeen degmooyin ay ka mid yihiin Wanllaweyn iyo Daafeed.
Xaaladda degmooyinkaasi ayaa la sheegayaa in saacadba saacadda ka dambeysa xaaladeedu isbedeleyso isla markaana jawigu ka soo hagaagayo sidii hore ee uu ahaa, waxayna dadka degaanka sheegayaan in ciidamada Dowladda ay fariisimo cusub ka sameysanayaan goobihii ay ka qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Dowladda ay bilaabeen howlgallo dhammaanba degaanadii ay kala wareegeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo laga cabsi qabo in miinooyin iyo walxaha qarxa lagu aasay.
Jan. C/Kariim Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa ka warbixiyay howlgallada ciidamada dowladda ay saakay ku qabsadeen degmooyinka Wanllaweyn iyo daafeed oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, wuxuuna intaasi raaciyay in howlgaladu ay sii soconayaan ilaa iyo inta kooxaha jid iyo jaho-diidka ah laga saarayo gobolka oo dhan.
"Ciidamada si buuxda ayay ula wareegeen saakay Wanllaweyn iyo Daafeed iyadoo aan shacabka la argagax gelin" ayuu yiri Jan. Dhegabadan oo sheegay in degaanadaasi ay muddo dheer ku amar ku taagleynayeen kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida.
Waxa uu sheegay in howlgalada ay saakay ciidamada Dowladda ka soo hooyeen guulaha uu ahaa mid ay maalmahaanba qorsheynayeen sidii ay degmooyinkaasi uga dulqaadi lahaayeen maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in awoodoodii ay wiiqeen isla markaana ay kala wareegeen hub, gaadiid dagaal iyo saanado Milateri oo kale.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|