|
Cali Dheere: "Marnaba kama tanasulayno inaan sii wadno dagaalada aan kula jirno.."
Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cali Dheere: "Marnaba kama tanasulayno inaan sii wadno dagaalada aan kula jirno.."
Afhayeenka Ururka AlShabaab ayaa markii ugu horeesay ka hadlay fekerkooda ku aadan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya loo soo magacaabay, isagoo sheegay inuusan waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horeeyay.
Cali Dheere oo Wareysi siinaayay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay inaysan marnaba ka tanaasulin fekerkooda ku aadana dagaalada ay kula jiraan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
"Waxaan la dagaalami doonaa cid kasta oo loo soo magacaabo ra'iisul wasaare, islamarkaana Ra’iisul Wasaarahan cusub uu la mid yahay kuwii horay xilka u soo qabta, mana jirto wax uu soo kordhinaayo" ayuu yiri Afhayeenka Ururka AlShabaab.
Afhayeenka Al-Shabaab waxa uu sheegay inay sii wadayaan dagaalka iyo mowqifka ay ka qabaan islamarkaana aysan marnaba joojin doonin.
Cali Dheere wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ay meesha keeneen reer galbeedka oo danahooda ku fushanaya, isagoo sheegay in qof waliba oo dalkaan xil ka qabta ay la dagaalamayaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|