|
Hargeysa Oo Maanta Aas Qaran Loogu Samaynayo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Macalin Gaarriye)
Hargeysa Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hargeysa Oo Maanta Aas Qaran Loogu Samaynayo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Macalin Gaarriye)
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo todobaadkii hore Alle ku oofsaday Magaaladda Oslo ee dalka Norway oo uu xaalad caafimaad u joogay, ayaa maanta maydkiisa la keenayaa Magaaladda Hargeysa, iyadda oo loo samaynayo aas qaran.
Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), oo aaskiisa uu Madaxwaynaha Somaliland u saaray guddi wasiirro iyo masuuliyiin isugu jira, ayaa aaskiisu si heer qaran ah maanta uga dhacayaa Magaaladda Hargeysa, iyadda oo la fasaxay ardayda jaamacadaha dalka qaarkood si ardayda uu macalinka u ahaa uga qayb-galaan baroor-diiqda loo samaynayo.
Aaska Marxuum Gaarriye ayaa waxa ka qayb-galaya Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markii uu Alle oofsaday u diray Tacsi tiiraanyo leh oo uu ku muujiyey sida uu uga naxay geerida Marxuumka isla-markaana ku sharaxay doorkii Abwaan Gaarriye ku lahaa halgankii dib u xoreynta dalka.
Marxuum Gaarriye oo ahaa abwaan caan ka ahaa guud ahaan dhulka Somalidu degto isla-markaana geeridiisu umadda Somaliyeed iyo Somaliland-ba ku tahay garab ku soo banaanaaday ayaa la filayaa in maydkiisa laga soo dejin doono Madaarka diyaaradaha ee Berbera, halkaasi oo ay ka soo galbin doonaan boqolaal gaadhi oo ay wataan muwaadiniinta Somaliland ee ka naxay geeridiisa.
Marxuum Gaarriye oo taariikh mudan dhulka Somalida ku leh ayaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa qofkii sameeyay miisaanka maansada Somalida, isaga oo tiriyey Maansooyin tiro beel ah oo badankoodu xasuus gaar ah shacabka ku leeyihiin.
Abwaan Gaarriye oo aan taariikhdiisa la soo koobi Karin, ayaa waxa kale oo aaskiisa ka qayb-galaya Abwaanada iyo guud ahaan bahda fanka, kuwaasi oo uu geeridiisu ay si gaar ah u taabanayso.










Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|