|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud oo si heer sare loogu soo dhaweyey dalka Ugandha
Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Kampala, iyadoo Madaxweynaha markii uu ka degay garoonka diyaaradaha loo riday 21-madfac.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Faarax C/qaadir, Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Entebe ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Uganda iyo Mas'uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo saraakiil ciidan.
Madaxweynaha ayaa roog cas loo fidiyay markii uu ka degay garoonka, halkaasoo astaanta Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya ay u garaaceen Kooxda Baambeyda, iyadoo ubax ay gudoon siisay gabar yar.
Waxaa uu Madaxweynaha salaan sharad ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida Uganda, iyadoo hab maamuuska soo dhoweynta uu ahaa mid heer madaxweyne oo kale loogu soo dhoweeyo dalalka caalamka.
Safarkan oo ah kii u horeeyay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh dalka dibadiisa ugu ambabaxo tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha 10-kii bishii September, ayaa ka qeyb geli doona Munaasabada 50-guuradii ka soo wareegatay markii Uganda ay qaadatay Xornimada.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo inta uu ku sugan yahay Kampala la kulmi doono Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo madax kale.


















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|