Somali News
    Hees  

Saraakiisha Ciidamada Xogga Dalka Soomaliyeed oo u jaheystay Buurhakaba iyo kooxdii Al- Shabaab oo ka cararay

Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Saraakiisha Ciidamada Xogga Dalka Soomaliyeed oo u jaheystay Buurhakaba iyo kooxdii Al- Shabaab oo ka cararay iyo dadweynaha soomaliyeed ee ku ………

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeeyd qeybtoodda ku aadan wadadda isku xirta Bay iyo Muqdisho, dhawaana la wareegay degmadda Wanlawayn ayaa lagu soo waramayaa inay u jaheysteen degmadda Buurhakaba oo ay doonayaan inay ka ceyriyaan koxdda Al-Shabaab oo halkaasi haystay in dhawaalaba.

Saraakiisha ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay iskugu furayaan wadadda isku xirta Bay iyo Muqdisho mar haddii ay la wareegeen degmooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose si ay iskugu furmaan Xamar iyo goboladda kuunfurta intoodda badan.

Malleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxdii Al-Shabaab ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka cararay degmadda Buurhakaba iyagoo aanan ilaa iyo haatan la garanaynin halka ay u jaheysteen ka gadaaal markii ay ciidamadda dawladda la wareegeen degmadda walan-weyn.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo aynu ka helnay degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in malleeshiyaadka iyo horjoogayaashii kooxdda Al- Shabaab ay ka huleeleen Magaalada Buurhakaba habeenkii xalay ahaa, iyagoo ka urursaday hub iyo saanad wixii halkaasi u yaallay.

Dadka ku dhaqan Degmadda Buurhakaba ayaa saakay waagu ugu baryay jawi Nabadeed oo ka duwan kii hore, waxaana gebi ahaanba halkaasi laga waayay kooxihii afafka duubnaa ee karbaashka, jirdilka iyo handadaadda muddo sanado ah la dabataagnaa shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa degmadasi Buurhakaba.

Lama garanayo halka ay u dhaqaaqeen kooxdii Al-shabaab, laakiin shacabka ku nool Degmadaasi ayaa isugu soo baxay degmadasi iyagoo dhowraya inay soo gaaraan ciidamada qalabka sida oo ku sugan xadka kala qeybiya gobollada Sh/Hoose iyo Bay oo ah meel aan ka fogeeyn degmada Buurhakaba.

Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa deegaanka Ballidoogle waxay kulan kula leeyihiin waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Wanlaweyn kaas oo looga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca nabadgalyadda

Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed oo shalay si buuxda ula wareegay degmada Wanlaweyn, Warmaxan iyo garoonka diyaaradaha Ballidoogle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la wareegaan magaalada Buurhakaba.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)