Somali News
    Hees  

AMISOM oo sheegtay in qabashada Walaweyn ay muhiimad weyn u leedahay

Mogadishu Isniin 8 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo sheegtay in qabashada Walaweyn ay muhiimad weyn u leedahay.

Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska warbaahinta AMISOM ayaa lagu sheegay in qabashada degamada Walaweyn ay muhiimad weyn u leedahay howlgalka lagula dagaalamayo dhaqdhaqaaqa Alshabab.

Taliyaha ciidamada midowga Afirca General Andrew Gutti oo warsaxaafadadkan ku xusan ayaa muhiimad gaara siiyay qabsashada degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, "Qabashada Walaweyn ee ciidamada Somaliyed iyo kuwa AMISOM waxaa ay xoriyad siineysaa shacabka ku dhaqan degaanadaasi oo ku godoonsanaa in muda ah.

Waxay muhiim u tahay isku socodka ganacsigooda, iyo sdioo kale in hayadaha gargaarku ay markale dib uga howlgalaan goobahaasi ay Shabababka u diideen in kooxaha samafalka ay ka howlgalaan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutii waxaa uu sheegay in ciidamda Somalida iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku qabsanayaan qaarka mida magaalooyinka ku yaala gobolada ay ka taliyaan Alshabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)