Somali News
    Hees  

Iftikhar Ahmed Shaheen: " Hay’adda Islamic Releaf wax xiriir ah oo ay la leedahay Hay’adda WFP ma jirto, eedeyntaasna waa mid been abuur ah..."

Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Iftikhar Ahmed Shaheen: " Hay’adda Islamic Releaf wax xiriir ah oo ay la leedahay Hay’adda WFP ma jirto, eedeyntaasna waa mid been abuur ah..."

Hay’adda Islamic Releaf oo ay Xarakaddu Al-Shabab ka mamnuuceen deegaanadooda ayaa ka jawaabay eedeymihii loo jeediyay.

Madaxa gobolke ee hay’adda Islamic Releaf Iftikhar Ahmed Shaheen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inaysan waxba ka jirin wararka ay baahiyeen Xarakadda Al-Shabab oo ku aadan in hay’addu ay waday hawlo WFP leedahay.

Iftikhar Ahmed Shaheen waxaa uu xusay in hay’addooda ay Soomaaliya ka waday barnaamijyo taakuleyn ah oo ay kui caawinayaan dadka taakta daran waxaana uu intaa ku daray in dad gaaraya 1.3 million oo ruux ay ku caawin jireen raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad kuwaasoo ku nool gobolada ay ka jiraan m/mulada Xarakadda Al-Shabab.

"Ma jirto wax xiriir ah oo aanu la leenahay hay’adda WFP eedeyntaasna waa mid been abuur ah" ayuu yiri mas’uulkaasi ka tirsan hay’adda Islamic Reliaf waxaana uu intaasi sii raaciyay inay kala hadlaan arrimahaan hogaanka Xarakadda Al-Shabab.

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabab ayaa wareegto ay shalay soo saareen waxay ku mamnuuceen hawlihii ay gobolada ay maamulaan ka waday hay’adda Islamic Relief oo ka mid ah hay’adaha samafalka , Al-Shababna horey ayay deegaanada ay ka taliyaan uga mamnuuceen hay’ado Q,M hoos taga.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)