Somali News
    Hees  

Elman oo fara-ciddi leh kaga badisay Dekedaha

Mogadishu Talaad 9 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Elman oo fara-ciddi leh kaga badisay Dekedaha

Kooxda Horyaalka difaacaneysa ee Elman ayaa maanta fara-ciddi leh  ku guuleysatay intii ay socotay ciyaar u muuqatay in ay bar bar dhac ku dhamaaneyso kaddib markii ay goolka guusha heshay daqiiqadii 90-aad ee cayaarta xili garsooruhu afka ku hayay seeriga, waxaana cayaartu ay ku dhamaatay 3-2.

Cayaartii maanta oo soo jiidatay dareenka daawadayaal tobaneeyo kun gaaraya oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa lagu tilmaamay cayaartii ugu xamaasada badneyd tan iyo intii horyaalka Soomaaliya uu dib u furmay bishii hore.

Cayaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan iyo weerar iyo weerar celis, waxaana kooxda Elman ka go’neyd in ay guuleysato si ay 7 dhibcood ugu hogaamiso tartanka halka kooxda Degedaha oo ka mida kooxaha ka cararaya in ay heerka 2-aad dib ugu laabtaan ay iyaduna guul ku dadaaleysay maanta.

Laakin labada kooxood midna uma suuragelin in ay qeybtii hore hesho  wax gool ah waxaana qeybta hore lagu kala nastay 0-0,hase ahaatee daqiiqadii 50-aad ee qeybta dambe ayaa Elman waxaa goolkii daah furka u saxiixay cayaaryahan Cabdul Qaadir Axmed, balse Deekdaha ayaa helay goolkii bar bar dhaca kaddib markii uu cayaaryahan Cabdul Qaadir Cali Nuur u dhaliyay gool daqiiqadii 79-aad ee cayaarta.

Markii goolka bareejadu dhashay ayaa garoonka oo dhan uu isla kacay iyadoo taageerayaasha oo dhan ay istaageen iyagoo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo iskasoo horjeeda oo labada kooxood lagu kala taageerayay.

Cayaaryahanka numberka 9-aad u xirta kooxda Elman Maxamed Nuur Cabdi ayaa gool la helay shabqa kasoo horjeeda daqiiqadii 81-aad ee cayaarta  waxaana uu ka dhigay 2-1 balse hogaankaasi siima socon oo dekedaha ayaa waxaa gool kale u dhaliyay cayaaryahan Zakariye Cabdi Siyaad daqiiqadii 85-aad ee cayaarta qeybteedii dambe.

Intaa kaddib cayaartu way sii kululaatay waxaana bilowday weerar iyo weerar celis, waxaana u suuragashay kooxda Elman in ay helaan goolka guusha daqiiqadii 90aad xili uu garsooruhu afka ku hayay seeriga uuna ku dhawaa in uu ku dhawaaqo seeriga dhamaadka cayaarta waxaana golkaas guusha u dhaliyay Elman Cayaaryahan Badri macalin Axmed.

Intii ay socotay cayaartii maanta waxa la bixiyay ganaaxyadii ugu badnaa tan iyo intii tartanku bilowday waxaana labada kooxood loo kala siiyay sidan soo socota.

Dekedaha

Name

Number

Minute

Date

Caution

Abdi Mohamed Osman

25

15th

Oct 8 2012

Y Card

Ahmed Abdulkader Abokar

4

64th

Oct 8 2012

Y Card

Nur Hassan

2

90th

Oct 8 2012

R Card

ELMAN

Name

Number

Minute

Date

Caution

Mohamed Nur Abdi

9

25th

Oct 8 2012

Y Card

Saeed Mohamed

17

27th

Oct 8 2012

Y Card

Abdulkader Ahmed Omar

2

75th

Oct 8 2012

Y Card

Badri Moalim Ahmed

16

90th  

Oct 8 2012

R Card

Mohamed Nur Abdi

9

78th  

Oct 8 2012

R Card

Abdulkader Ahmed Omar

2

82nd

Oct 8 2012

R Card

By Shaafici Muxuyadiin Abuukar

Email:shaficiislow@yahoo.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)