Somali News
    Hees  

Midowga Yurub oo sheegy inuu hoos u dhac ku yimid weeraradii Burcad badeeda

Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Midowga Yurub oo sheegy inuu hoos u dhac ku yimid weeraradii Burcad badeeda.

Ninka ugu sareeya howlgalada ciidamada Midowga Yurub ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya ee Atalaanta la yiraahdo Adm. Enrico Credendino ayaa shaaciyay in 6,dii bilood lasoo dhaafay uu dib u dhaca dhanka weerarka ah ku yimid kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah.

Sarkaalkaan waxaa uu sheegay inuu jiro hoos u dhac si buuxda u muuqda oo ku yimid awooda kooxaha burcad badeeda Soomaaliya taasoo uu ku sababeeyay hawlgalad aay ciidamada badda Midawga yurub biyahja Soomaaliya ka wadaan.

Adm. Credendino waxaa uu xusay in ciidamadooda ay si xawli ah hadda u wadaan hawlgalo ka dhan ah burcad badeeda waxaana uu intaa ku daray inay balaariyeen.

Ciidamo fara badan oo ka socda wadamada caalalmka qaarkoodayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya kuwaasoo sheega in ujeedkoodu yahay la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliyeed inkastoo la dhaliilo hawlaha ay biyaha Soomaaliya ka hayaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)