|
Ra'iisal Wasaaraha la magacaabay ma la mahadin doonaa mise waa lagu qasaari doonaa?!!
Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisal Wasaaraha la magacaabay ma la mahadin doonaa mise waa lagu qasaari doonaa?!!
Dhowr cisho kahor ayaa magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana magacaabista Ra'iisal Wasaarahana ay timid xilli ay dadku si aad ah u dhararayeen barashada shaqsiga uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabi doono xilkaasi oo ahaa mid ay siyaasiyiin fara badan xusul duub ballaaran ugu jireen.
6-dii bishaan markii uu Ra'iisal Wasaaraha cusub ka soo hor muuqday indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa beesha caalamka waxa uu u ekaa mas'uul heybad leh isla markaana ah nin qunyar socod ah marka loo fiiriyo khudbadii ugu horeysay ee uu ka jeedinayay xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ay ka dhaceysay xafladdii loogu talogalay in isaga lagu soo bandhigo iyo khudbadaasi kaddib qaabkii uu u gacan qaadayay dadkii ugu hambalyeynayay sida uu ku helay kalsoonida Madaxweynaha ee uu ku noqday Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shalay haddii uu Saacid ahaa shaqsi iska caadi ah, maanta sidaasi ma aha, maxaa yeelay waa Ra'iisal Wasaare umadeed, wuxuuna qeyb ka noqonayaa Ra'iisal Wasaarayaashii ay Soomaaliya yeelatay, kuwaasi oo mid kasta oo ka mid ah uu lahaa wanaag iyo xumaan isaga u gaar ah oo lagu xusuusto.
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka dhashay tijaabadii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah nin ilaa iyo haatan waxba laga sheegi karin waxa uu la imaan doono haday tahay horumar ama dib u dhac, maxaa yeelay waa mas'uul ay howsha ku cusub tahay, ha yeeshee labadaasi dariiq tan uu qaadayo waxa ay kala cadaan doontaa boqolka beri ee ugu horeysa marka ay howlgasho xukuumadiisa.
Taariikh ahaan Ra'iisal Wasaarahani ayaa noqonaya mas'uulkii labaad ee ganacsade ah oo tan iyo burburkii xil aad u weyn uu ka qabanayo dalka Soomaaliya, waxaana horay isagoo ganacsade ah Madaxweyne Soomaaliya uga noqday Cali Mahdi Maxamed, sidaasi daraadeed waxa ay dad badani isweydiinayaan ruux ganacsi ku barbaaray guul ma ka gaari karaa wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya?, mise wuxuu noqon doonaa Webi bacaad ku dhammaaday oo kale?.
Sidaasiyiin, aqoonyahano iyo indheergarato fara badan oo Soomaaliyeed waxa ay durbaba walaac fara badan ka muujiyeen khudbadii koowaad ee Ra'iisal Wasaarahani jeediyay kaddib kolkii laga dhex arki waayay qaabka uu u wajahayo nabadgelyada, taasi oo ah baahida ugu weyn oo ay qabaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan Muqdisho iyo gobolada kale ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
In la mahadiyo iyo in lagu qasaaro Ra'iisal Wasaaraha cusub waxa ay ka dhalan doontaa hadba sida uu ula tacaalo mushkiladaha siyaasadeed ee horyaala, waxaana haboon haddii uu Ra'iisal Wasaarahani doonayo in la mahadiyo waa inuu la yimaadaa la tashi aad u fara badan oo ku saleysan aragti qoto dheer, dulqaad joogto ah, cadcadaan, go'aan qaadasho dhab ah, dhowrida danaha Qaranka, sugidda amniga oo gacan bir ah lagu qabto, la shaqeynta hay'adaha kale ee dastuuriga ah, ka fogaanshaha musuqmaasuqa sida khudbadiisii koowaad ku jirtay, dareen u lahaanshaha arrimaha Puntland iyo kuwa magaalooyinka Gaalkacyo, B/Weyne iyo Kismaayo oo qabaa'iladu inta badan ay isku qabqabsadaan.
Si uu najaxo Ra'iisal Wasaare Saacid waxaa kale oo lagamamaarmaan ah inuu soo xusho Gole Wasiiro oo la hubiyay, hadafkooduna uu yahay inay Qaranka u shaqeeyaan, balse aan iyaga kaligood ama qabiilkooda aan u shaqeyneynin, waxaana xaqiiqo ah haddii Saacid uu la yimaado intaasi oo wanaag ah iyo wixii kale ee uu kari karo oo badbaado u noqon kara Soomaaliya inuu noqon doono Ra'iisal Wasaare guuleysta oo la mahadiyo, balse haddii uu hareer maro waxaa hubanti ah inuu Saacid noqon doono Ra'iisal Wasaare fashilma oo magacaabistiisa lagu qasaaro, isla markaana taariikhda baal mugdi ah ka geli doona.
Waxaa Qoray:
Jabriil M. Nor (Jabra)
jabriil37@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|