|
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo wadada u galay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM
Mogadishu Talaado 9 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo wadada u galay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM
Gaadiid ay wateen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay wadada waxaa u galay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab xili ay marayeen inta u dhaxeya Deegaanka Xaawa Cabdi iyo Lafoole.
Wararka ayaa sheegaya in kolonyada AMISOM lagu weeraray Baasukayaal kadib markii kooxo mintidiin ah ay wadada u galeen, waxaana la tilmaamayaa in goobta uu ka dhacay dagaal qasaare geystay oo mudo kooban socday.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud oo warbaahinta uga warbixyay weerarkaasi gaadmada ah ee xalay kooxda Al-shabaab ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo marayay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa sheegay in weerarkaasi ay iska caabiyeen, hase yeeshee waxa uu xusay in qasaare soo gaartay ciidamada AMISOM.
"Waxaan arkayay askar ka mid ah ciidamadeena uu dhaqtarka loo wado, laakin waan iska caabinay"ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo dhinaca kale sheegay in hub ay ka furteen maleeshiayadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayna kala careern.
Dhinaca kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa mararka qaar wadada u gala gaadiidka ay wataan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, sida xalay ka dhacday wada xariirisa Muqdisha iyo Afgooye oo ay ku safrayeen ciidamo ka tirsan midowga Afrika.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|