Somali News
    Hees  

Baarlamaanka oo u codeynaya Talo soo jeedinta guddi loo saaray xubnaha lagu eedeeyay inay yihiin qabqableyaal dagaal

Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Baarlamaanka oo u codeynaya Talo soo jeedinta guddi loo saaray xubnaha lagu eedeeyay inay yihiin qabqableyaal dagaal

Waxaa si rasmi u bilowday doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka uu bilaabay inuu cod u qaado talo soo jeedin ka timid guddi loo saaray Xildhibaanimada lagu eedeeyay inay yihiin qabqableyaal dagaal.

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa cod u qaadaya ka mid noqoshada xubnahaasi ee Golaha Baarlamaanka, waxaana madasha kulanka Baarlamaanka ee xarunta dugsiga Booliska Jan. Kaahiye ammaankeeda si weyn loo adkeeyay, bacdamaa ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Cod u qaadida Xildhibaanada lagu eedeeyay inay yihiin qabqableyaal dagaal ayay soo jeediyeen guddiga loo saaray inay yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka cusub, hase yeeshee Guddoomiye Prof. Jawaari ayaa sheegay in talo soo jeediga guddiga uu ansixinayo Golaha Baarlamaanka oo codka meesha uu u bato la raacayo.

Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa tirinaya codadka Xildhibaanada Baarlamaanka inta diidan iyo inta ogol, waxayna tallaabadani horseedeysaa Golaha Baarlamaanka codkiisa inay wax kastaba ku dhammaanayaan oo wixii uu ansixiyo ay yihiin sharci wixii uu diidana ay yihiin sharci darro.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka 243-Xildhibaan, waxaana u codeeyay in xubnaha ay yihiin Xildhibaano 223-Xildhibaan, iyadoona qaar kale ka aamuseen, halka qaar kalena ay diideen, waxaana la sugayaa natiijada kama dambeysta ah, iyadoona Xildhibaanada cusub la dhaarinayo kaddib markii ay ku guuleysteen codka ay u qaadeen Xildhibaanada.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)