|
Codeyntii Madaxtinimada Soomaaliya oo goor dhow si toos ah uga bilaaban doonta dugsiga Tababarka Booliska ee Iskool Buluusiyo
Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Codeyntii Madaxtinimada Soomaaliya oo goor dhow si toos ah uga bilaaban doonta dugsiga Tababarka Booliska ee Iskool Buluusiyo.
Waxaa si toos ah uga bilowaday xarunta dugsiga tababarka Gen. Kaahiye ee Ex-School codadkii loo qaadayay 22-ka musharax ee u tartameysa xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya.
Musharaxiinta ayaa marka hore tiradoodu waxa ay aheyd 25-musharax kuwasoo dhameystiray shuruudihii laga diinayay, hase yeeshee sadeex musharax oo ka mid ah ayaa is casisahay.
Goobta ay ka dhaceyso dooarashada ayaa waxaa xaadir ku ah ilaa 22-musharax kuwaasoo u tartamaya qabashada hogaanka dalka afarta sano ee soo socota, inkastoo ay kala miisaan badanyihiin raga tartamaya hadana lama oga coda maanta ku guuleysan doonta in afarta sano ee soo socota ay hogaamiso dalka.
Madasha ay ka socoto doorashda ayaa waxaa goob joog ka ah goob joogayaal caalami ah, kuwasoo ka kala yimid wadamada deriska iyo beesha caalamka, sidoo kale waxaa madasha jooga waxgarad ka tirsan salaadiinta Soomaaliyeed.
Xildhibaanada jooga goobta waa 260 xildhibaan
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|