|
Dowladda Mareykanka oo Barlamaanka Soomaaliya ka dalbatay in hab cadaaladeysan inay u soo doortaan madaxweyne
Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Mareykanka oo Barlamaanka Soomaaliya ka dalbatay in hab cadaaladeysan inay u soo doortaan madaxweyne
Patrick Ventrell, oo kamid ah afayeenada wasaaradda arimaha dibadda dalka mareykanka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in barlamaanka somalia maanta laga filayo inay gutaan waajibaadkooda saaran midkooda ugu culus oo ay doortaan madexweyne daacad ah oo dalka somalia dhibaatada ka gudbinkara , waxana uu barlamaanka somalia ka dalbaday in hab cadaalad iyo sinaan ku jirta madaxweynahaasi ay ku soo doortaan.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda mareykanka ay si aad ah indhaha ugu heyso doorashada madaxtinimo ee dalka somalia oo barlamaanka somalia ku dhiiri gelineyso in wada shaqeyn ay muujiyaan.
Guddiga doorashada madaxtinimo ee dalka somalia ayaa dowladda mareykanka waxa ay ka dalbatay in looga baahanyahay in waajib ka saaran si wanaagsan ay u gutaan oo ay ka taxa daraan in codadka hab qaldan ay u maamulaan.
Saacado kadib ayaa dalka Somalia lagu wadaa inuu yeesho madaxweyne dalka somalia hogaamiya Afarta sano ee soo socota.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|