|
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay ka dhaceysa magaalada Muqdisho
Mogadishu Isniin 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay ka dhaceysa magaalada Muqdisho
Xarunta Jan. Kaahiye ee Dugsiga Booliska magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socda dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha Dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya, iyadoo xarunta uu shirka ka dhacayo ay ku sii qulqulayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, odayaal dhaqameed, wufuud caalami ah iyo marti sharaf lagu casuumay.
Sida uu soo sheegayo Weriyaha Somaliweyn waxaa xarunta ay doorashada ka dhaceyso ee Dugsiga Booliska madax uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, 24-ka musharax ee u tartamaya jagada Madaxweynaha, madax ka tirsan beesha caalamka iyo wufuud heer caalami ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|