|
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay suuqa xoolaha iyo degaanada ku dhow
Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay suuqa xoolaha iyo degaanada ku dhow
Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa guri kasta oo ku yaala degaanka Suuqa Xoolaha lagu arkay cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo howlgallo geed iyo guri lagu baaray ka sameeyay degaanada uu ka kooban yahay suuqa xoolaha iyo degaanada kale ee ku dhow dhow.
Wararku waxay sheegayaan in howlgaladaasi oo socday ku dhowaad muddo ka badan laba saac lagu soo qabqabtay tiro dhallinyaro ka badan tobaneeyo ruux, kuwaasi oo saraakiisha ciidamada Dowladda hoggaamineysa ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, walow qaarkood la sheegayo in kiiskoodu yahay tuhun oo kaliya.
Howlgalada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen saakay Suuqa Xoolaha ayaa la sheegayaa inuu hakad geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxayna ciidamada si gaar ah u bartilmaameedsanayeen guryo iyo goobo ay ku sugan yihiin kooxaha ururka Al-Shabaab ee halkaasi ka fuliya falalka amni darrida ah.
Dhinaca kale howlgalada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM sida wadajirka ah uga sameynayaan suuqa xoolaha ayaa ku soo beegmeysa xilli maalintii shalay degaankaasi ay ka dhaceen qaraxyo is xigxigay oo geystay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|