|
Doorashada madaxweynha fedelaalka Soomaaliya oo goor dhow ka bilaabatay
Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugisiga Tababarka Jeneral Kaahiye ee magaalada Muqdisho uga bilawday munaasibada doorshada hogaanka dalka, waxaan qudbad qiimo leh ka hor furitaanka doorashada ka jeediyay gudoomiye Jawaari waxaan uu sheegay in kala fadhiga uu furan yahay. Kulanka waxaa isugu yimid mudanayaal gaaraya 229 xildhibaan iyo musharixiinta u taagan xilka dalka iyo sidoo kale xubno ka socday beesha caalamka.
Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya mudane Max’ed Cusmaan Jawaari waxaa uu tilmaamay in doorashada ay u dhici doonto si cadaalad ah mudanayaasha baarlamaanka waxaa uu kula dardaarmay in si cadaalada ah oo ka turjumeysa maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliya.
sidoo kale gudoomiye Jawaari waxaa uu ciidamada ammaanka faray in cidii dhaq dhaqaaqa badisa dibada looga saaro hoolka,taasi oo muujineysa sida hogaanka baarlamaanka ugu diyaarka yahay habsami u socodka dorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo mudo 42-sano doorsho xur ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Waxaa goobta ay doorashada ka socoto la ogolaaday in Xubnihii loo diidanaa ay ka mid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya xubnahaas oo gaaraayo 20 xubnood.
Waxaa loo qaadi doonaa cod lagu ansixin doono in xubnahaasi ay kamidnoqon karaan xubnaha baarlamaanka iyo in kale.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|