Somali News
    Hees  

Guddoomiye Jawaari oo u jawaabay hadal ka soo yeeray Faroole

Mogadishu Isniin 10 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Guddoomiye Jawaari oo u jawaabay hadal ka soo yeeray Faroole

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole uu ku sheegay in hannaanka doorashooyinka ay jiraan hanjabaado iyo caga jugleyn ay ku hayaan qaar ka mid ah madaxda Dowladda KMG ah.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka in qof kasta ay fikirkeeda xor u tahay, isagoona sheegay in qof aragtideeda aan lagu colaadin, isagoona sheegay in maamulka Puntland uu ka mid yahay maamulada gobolada dalka ka jira.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka waxaa kale oo uu Golaha Baarlamaanka ka codsaday in lagu kala duwanaan karo afkaaraha siyaasiga ah aan la isku khilaafin oo qof fikirkiisa aan lagu colaadin, wuxuuna sheegay in qof kasta danihiisa siyaasadeed uu ku gaari karo degenaan iyo dulqaad.

Dhinaca kale Prof. Jawaari waxa uu sheegay in mas'uul kasta uu dulqaad u yeesho haddii uu u arko daldaloolo inay ka jiraan hannaanka siyaasadda ee dalka uu ku socdo amaba dowladda uu ka dareemo khaladaadyo, wuxuuna kula taliyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee doonaya inay doorkooda ka ciyaaraan isbedelada ka dhacaya dalka inay la yimaadaan siyaasad deggan oo ku dhisan hab wanaagsan iyo talooyin wax ku ool ah oo waxtar u leh dalka iyo dadka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)