Somali News
    Hees  

Taariikh nololeedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Mogadishu Talaaso 11 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu hoggaamiyo dalka Soomaaliya muddada shanta sano ee soo socota waa aqoonyahan 57 jir ah.

Wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Wuxuu doorashada madaxtinimada kaga guuleystay Shariif Sheekh Axmed oo Soomaaliya madaxweyne ka ahaa tan iyo sanadkii 2009.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sanadkii 1981 ka qalinjebiyay jaamacadda qaranka Soomaaliya. Dalka India ayuu aqoon kororsi u aaday, wuxuuna sanadkii 1988 shahaada Master Degree ka qaatay jaamacad ku taalla dalkaas oo lagu magacaabo Bhopal University.

Wuxuu siyaasadda dalka Soomaaliya ku soo biiray sanadkii 2011 kaddib shir ka dhacay hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasoo loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga PDP ee Nabadda iyo Horumarinta (Peace and Development Party).

Xisbiga PDP waxaa xubno ka ah wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle iyo xildhibaan hore, Maxamed Nuur Sheegoow.

Muddadii u dhaxeysay 1993 ilaa 1995, Xasan wuxuu ku noqday Soomaaliya isagoo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kala shaqeeyay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta.

Wuxuu kaloo la shaqeeyay dhowr hay’adood oo ay ku jiraan UNDP, UNICEF, Life and Peace Institiute, Conciliation Resources, Oxford University, Center for Refugees studies, Interpeace, CRD iyo dowladdii KMG ahayd.

Sanadkii 2010 wuxuu hormuud jaamacadeed ka noqday machadka SIMAD ee magaalada Muqdisho oo uu isagu wax ka aasaasay. Machadka SIMAD ayaa markii dambe laga dhigay jaamacadda SIMAD.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga iyo af-Ingiriiska.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha asagoo bulshada u adeegaya


xigasho: barkulan
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)