|
Ex-Xildh. M. Ghedi: "Hambalyo, taageero iyo duco ku socota Madaxweynaha cusub & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya"
Mogadishu Talaado 11 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ex-Xildh. M. Ghedi: "Hambalyo, taageero iyo duco ku socota Madaxweynaha cusub & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya"
Aniga oo ah Ex- Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle, isla markaasna ka mid ah Suxufiyiinta madaxa-bannaan, ayaan aniga oo magacooda ku hadlaaya inta badan Xildhibaanadii hore ee baarlamaankii kumeel gaarka ahaa, waxaan halkaan hambalyo, taageero iyo u duceyn ugu soo gudbinaayaa Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamoud.
Waxaan Ilahay ugu baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee xilligaan adag uu baarlamaanka Federaalka Soomalyeed u doortay Dr. Hassan Sheikh Mohamoud, waxaana u rajeynayaa in "Doob-tihii loo cugtay looga helo caano badan oo ay Soomalidu u siman tahay".
Dhinaca kale waxaan halkaan hambalyo sagootin ah uga soo jeedinaayaa Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG-ka ahayd Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, aniga oo ugu hambalyeynaaya "Iftiinka nabada ee ka ifay Soomaaliya oo dhan muddadii uu hoggaanka dalka haayey" iftiinkaas oo la la'aay muddo ka badan 21 sano.
Waxaa kaloon ugu hambalyeynayaa Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, xarakada uu u wareejiyey xilkii Madaxweynanimo, markii looga guuleystay doorashadii taariikhiga aheyd ee ka dhacday gudaha dalka Soomaaliya muddo laga joogo 24 sano.
Ugu danbeyntii, inteynaan nabada iyo dowladnimada jeceyl, Ilaheeyow weynu hawooney ee hoos ha noo celin.
Wabillaahi Towfiiq
Ex- Xildh. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Xilqaad12@hotmail.com
Nairobi, Kenya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|