|
Ururka IGAD iyo Dowladda Jabuuti oo u wada hambalyeeyay Madaxweeyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud
Mogadishu Talaado 11 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururka IGAD iyo Dowladda Jabuuti oo u wada hambalyeeyay Madaxweeyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumer geele ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Somaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Mr Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa si weyn usoo dhaweeyay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimada Soomaaliya oo shalay ilaa xalay ka dhacday Muqdisho, isagoo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka Jabuuti ay taageero dhan walba ah la garab taaganyihiin shacabka reer Jabuuti wuxuuna madaxweynaha uu hadalkaan ka jeediyay Telefishinka qaranka dalka Jabuuti kadib markii xalay la dhaariyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
M/waynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ayaa waxaa uu yahay Madaxwayne Markaas lagu sheegay in uu aad u garab taagan yahay Bulshada soomaaliyeed uuna aad u daneeyo in ay umada Soomaaliyeed hesho Dowlad Buuxda oo aan KMG ahayn waxaana sidoo kale ayana soo dhaweeyay dowlado iyo Ururo badan
Ururgoboleedka IGAD ayaa si diiran u soo dhoweeyay doorashada madaxtinimadaSoomaaliyaee uu xalay ku guuleystayProf Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee IGAD Mahbub Macallin ayaa lagu sheegay in maalintii shalay ay u ahayd ummadda Somaaliyeed maalin weyn oo taariikhi ah, kaddibmarkii loo doortay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo lagu qabtay gudaha dalka.
Mahbub Macallinwuxuu tilmaamay in ay u hambalyeynayaan madaxweynaha cusub iyoshacabka Soomaliyeed,isla markaana ay IGAD la garab taagan tahay Soomaalida sidii ay ku heli lahayd nabad iyo xasillooni.
Madaxweynaha cusub ee la doortay Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamin doona dalka Soomaaliya muddada Afarta sano ah ee soo socota.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|