|
Jaaliyadda Puntland Community Organisation Ee Magaalada Gothenburg Waxay U Hamblayeynayaan Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaliya Prof Hassan Sheekh M
Gothenburg Talaado 11 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Puntland Community Organisation Ee Gothenburg,Sweden
Jaaliyadda Puntland Community Organisation Ee Magaalada Gothenburg Waxay U Hamblayeynayaan Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaliya Prof. Xasan SHikh Mohamud
Dhammaan xubnaha jaaliyadda Puntland Community Organisation ee magaalada Gothenburg, Sweden waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaliya Prof. Xasan SHikh Mohamud oo ku guuleystay tartanka xilka madaxweynenimo ee ka dhacay magaalada Muqdishu , taariikhdu marka ay aheyd 10 september 2012.
Waxay jaaliyaddu dareenkeeda soomaalinimo ku muujineysaa in ay taageero buuxda u fidneyso madaxweynaha jamhuriyada federaalka soomaaliya Prof. Xasan Shikh Mohamud, isla markaana ugu baaqayso dhammaan bulshada soomaaliyeed in ay taageeraaan, garabna siiyaan madaxweynaha in uu guto xilka ay ummadda soomaliyeed u dooratay.
Waxannu xaqiijineynaa in soomaliya ay maanta u gudubtay marxalad cusub oo u hogaamineysa horumar iyo nabad waarta.
Waxan madaxweynaha dalka kula dardaarmeynaa in uu dalka ku hogaamiyo cadaalad iyo daacadnimo, una hiiliyo dhammaan ummadda oo ay duruufo adag ku haystaan dalka iyo dibadiisaba.
Gudomiyaha jaaliyada Puntland community organisation ee Gothenburg
Abdullahi Mohamed Ahmed (Jowhar)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|