|
Faahfaahin ku saabsan Qaraxii Ismiidaamin ahaa qasaaraha dhimashadu waa 11 Askari
Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Faahfaahin ku saabsan Qaraxii Ismiidaamin ahaa qasaaraha dhimashadu waa 11 Askari
Xog sugan iyo Warar laga helaay Hotel Jaziira oo si kumeel gaar
ah u daganyahay Madaxweynaha Cusub ee dhawaan la doortay ayaa sheegaya
tirada qasaaraha dhimashada ee Ciidamada Amaanka ka soo gaartay
Naftood haligayaashii weerarka geystay iyo sida ay u soo qorsheeyeen.
Goobjooge ku sugnaa xiliga uu weerarka dhacay kana mid ah
Shaqaalaha Hotel Jaziira ayaa si kooban nooga waramay falkii Argagixisada ee la doonayay la lagu
Khaarijiyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Pro.Xasan Sheikh Maxamud.
“ Inta aan indhaheyga ku arkay tirada dhimashada Ciidamada Amaanka
waa 11 Askari 8 ka tirsan waxaa ay yihiin Askar isugu jirta Polis iyo
Military 2 kale waa Ciidamada AMISOM Mid kale waa Askari ka tirsan
Nabad sugida iyo Qof dumar ah oo ka ag dhaweed goobta uu falka
Argagixiso ka dhacay ’’
Sidoo kale goobjoogaha ayaa intaa waxaa uu ku daray in raga
naftood haligayaasha ee weerarka soo qaaday ay tiradoodu aheed ilaa 3
ruux oo goobta ku yimid gaari Nuuca Kaaribka 2 ruux oo mid kood
hubeysnaa ayaa ka soo degay waxaa uu rasaas ku furay dhinaca Albaabka
Hotelka taas oo ninkii kale u suurta galisay in uu Gudaha Hotelka Galo
Mar kale ayaa waxaan maqlay laba qarax mid ka mid ah wuxuu ahaa Ninkii
Qoriga sitay oo la toogtay iyo Ninkii gudaha Hotelka Galay Ciidanka
ayaa dilay waxaana loo maleenayaa in ay wali miino ku xirantahay oo
Hotelka ayuu dhex jiifaa sidoo kale waxaa qaraxa labaad uu ahaa
Gaarigii Kaaribka Qaraxyada waa labo weerarkana waxaa soo qaaday 3
Ruux
Dhinaca kale amaanka Madaxweynaha Cusub Pro.Xasan Sheikh Max,mud
iyo madaxdii kale waxaa la wareegay Ciidamada AMISOM .
Qaraxan waa midkii ugu horeyay ee la damco in lagu qaarijiyo
Madaxweynaha Soomaaliya waxaana masuuliyada Qaraxa sheegtay Kooxda
Alqaacida ku xiran ee Alshabaab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|