Somali News
    Hees  

K/AFRIKA : Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud & Prof. Jawaari Oo Lagu Amaanay Munaasabad Ka Dhacday Cape Town (Daawo Sawirada)

Arbaco 12 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


K/AFRIKA : Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud & Prof. Jawaari Oo Lagu Amaanay Munaasabad Ka Dhacday Cape Town (Daawo Sawirada)

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu taageerayey Madaxweynaha cusub Soomaaliya, gudoomiyaha Cusub iyo guud ahaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtey Magaalada Cape Town ee dalka K/Africa.

Xafladani oo aysoo agaasimeen ganacstada Soomaalida K/Africa ayaa waxa ka Soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo damaashaad iyo dabaal daga kasoo bilabay ilaa holwka ilaa Bellville oo ah halka Ay Soomaalida u badan tahay.

Munaasabadani oo ahayd tii ugu horeysay oo lagu soo dhaweynayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ee lagu qabtay magaalada Cape town ama guud ahaan dalka Koonfur Africa waxana ka hadlay masuuliyiin ku hadlaysay magaca Soomaalida South Africa.

Munaasabadani ayaa waxaa ka qeyb galay kalmadona ka jeediyey Taliyaha Ciidanka degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville iyo madax sare oo ka socota Xisbiga Talada Dalka K/Africa haaya ee ANC kuwaasi oo bogaadiyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo guud ahaan Baarlamaanka dhawaan shaqadiisa bilaabay.

Habeen hore ayay ahayd markii la doortay madaxweynahay Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud kaasi oo dabaal dagiisa u geeriyooday Wiil halka afar kale oo haweeney ku jirto ay dhaawac ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay degaanka Bellville ee Magaalada Cape Town.




Maxamed Deeq Muuse Nuur
Deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, South Africa

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)