Somali News
    Hees  

Catherine Ashton: " Waxaan soo dhaweynaynaa Madaxweenaha Cusub Xasan Shiikh Maxamuud oo Si Rasmi ah loogu Dhaariyay Xilka Madaxweenanimo ee Soomaaliya.."

Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Catherine Ashton: " Waxaan soo dhaweynaynaa Madaxweenaha Cusub ee Dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Gurguurte oo Si Rasmi ah loogu Dhaariyay Xilka Madaxweenanimo ee Soomaaliya.."

Dowladaha ku Bahoobay Magaca Midowga Yurub ayaa Shaaca ka Qaqaaday inay ahay Doorashadii Shalay Duhurkii Kadib kabilaabatay Muqdisho Soona Gabagaboowday Xalay ay ahayd Mid ay Si Wada jir ah Usoo Dhaweenayaan Dowladaha Yurub.

Haweeneeda Afayeenka U ah Midowga Yurub Catherine Ashton oo Ku Sugan Magaalada Baraasalis ee Xarunta Wadanka BilJim ayaa Sheegtay in ay Soo Dhaweenayaan Madaxweenaha Cusub ee Dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud Gurguurte oo Xalay Si Rasmi ah loogu Dhaariyay Xilka Madaxweenanimo ee Soomaaliya Xarunta Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiya oo ay Doorashadu ka dhacday.

Catherine Ashton Haweeneeda Afayeenka U ah Midowga Yurub ayaa Dhanka Kale tibaaxday inay la garab istaagi Doonaan ,Madaxweenaha Cusub ee Soomaaliya Tageero Dhinac Walibaah Haday Noqon Lahayeen Taageero Dhaqaale iyo Mid Dib Lumaasiyeedba Xasan Shikh Maxamuud.

Hadalkaani kasoo yeeray Dowladaha Yurub ayaa imaanaya Xili ay isasoo Taraayeen Xalay ilaa Caawa Hanbalyada Hawada loo Soo Marinayo MadaxweenahaDowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud Gurguurte.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)