|
Halyey Isboorti Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo Muqdisho lagu Aasay
Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Halyey Isboorti Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo Muqdisho lagu Aasay
MUQDISHO: Alle ha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee GOS halyeyga Isboorti Xaaji Cabdi Cilmi Warsame ayaa si heer Qaran ah maanta loogu aasay magaalada Muqdisho.
Mas`uuliyiin kala duwan oo u badan bahda Isboortiga qeybahiisa kala duwan iyo dadweyne aad u fara badan ayaa iyagoon u kala haray waxaa ay meydka marxuumka ka soo galbiyeen garoonka Caalamiga Aadan Cadde, iyagoo Hoygii Halyey Marxuum Xaaji Cabdi isagu yimid ka dibna u dhaqaaqay goobtii Aaska.
Guddoomiyaha GOS ayaa halkaasi ka muujiyey sida ay ugu tiiraanyeysan yahiin bahda Isboortiga, qaraabada iyo asxaabtaba geerida Guddoomiye ku xigeenkii GOS halyey Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, wuxuuna tilmaamay sanadkan in bahda Isboortiga u ahayd sanad ay waayeen Halyeyo wax badan ka soo qabtay isboortiga dalka.
“Aad ayaan uga tiiraanyeysan nahay geeridan, waxaa naga baxay halyey Isboorti oo waqti badan geliyay horumarinta Isboortiga, Marxuum Xaaji Cabdi wuxuu Isboortiga ku soo biiray 1960kii markasta wuxuu ku taamayay in Isboortiga Soomaaliya uu noqdo mid Caalamka la Jaan qaada - marnaba kama dhex bixin marxalad kasta oo uu dalka ku jiro wuxuu ahaa shaqsi u tagnaa horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya, wuxuu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii rajo soo celinta ee ciyaaraha Soomaaliya dib loogu soo nooleeynayay dagaaladii sokeeye ka dib.” sidaas waxaa isagoo tiiraayeysan ka dhawajiyey Guddoomiyaha XSF Maxamed Axmed Coloow (Xaaji Coloow) oo muddo badan la soo wada marxuumka saaxiibo dhowna ay ahaayeen.
Si kastaba, Aaska Halyeyga Isboorti Xaaji Cabdi Cilmi Warsame ayaa wuxuu ahaa mid si weyn looga soo qeybgalay. Isla markaana bahda Isboortiga kuwooda ugu caansan si weyn ay uga muuqdeen ka soo qeybgalkooda.
Halyey Isboorti marxuum Xaaji Cabdi Cilmi Warsame waxaana Alle uga baryaynaa inuu Naxariistii Janno Alle ka Waraabiyo qoyskii, Asxaabtii iyo Eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo Iimaan Alle ka siiyo. Amiin.







Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone: +2526-1-5520008/ +14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Facebook: Click here
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|