|
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Spain oo lagu taageeray madaxweynaha cusub
Arbaco 12 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Spain oo lagu taageeray madaxweynaha cusub
Dowlada Spain oo kamid ah wadamada EU la isku yiraahdo ayaa si weyn usoo dhaweysey doorashadii madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamoud ay baarlamaanka soomaaliya u doorteen Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya.
Qoraalkaan oo lagu daabacay Webka Wasaarada Arimaha dibada ee Spain ayaa tiri si weynbaan usoo dhaweyneynaa doorashada Xalaasha aheyd, sidoo kale ay tahay talaabo horey loo qaadey dhameystirkii Roadmapka, ayna fileyso in uu wadanka u ka gudbey xiligii kumele gaarka ahaa uuna u gudbey dowlad buuxda, ay dadka soomaaliyeedna u dabaal degayaan soo dhaweynta Madaxweynaha Cusub ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ay doorteen.
Dowlada Spain ayaa kula talisey madaxweynaha Cusub ee Soomaliya in si deg deg ah usoo magacaabo raisul wasaare xukuumadiisu ay abood u yeelato dhameystirka howlaha horyaala dowladiisa.
Geba gebadii ayaa waxay Dowlada Spain sheegtey in ay garab istaageyso dowlada Soomaaliyeed si aad ahna usoo dhaweyneyso dib u soo celinta xiriirkii iyo wada shaqeyntii Soomaaliya la laheyd xiligaan oo ay Soomaliya ugudubtey Marxalad Cusub iyo Dowlad cusub ee uu dalka yeshey.
Halkaan ka eeg qoraalka dowlada Spain kasoo saartey: http://www.maec.es/es/MenuPpal/Actualidad/Comunicados/Paginas/128comunicado20120911.aspx
Guud ahaan dowlada caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeyey doorashadii 10 kii Sep 2012 kii loo doortey madaxweynaha cusub ee dowlada Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamoud.
Dhinaca kale sii hayaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Spain, Danjiire Ilyas Ali Hassan ayaa u Hanblayeeyey Madaxweynaha cusub Dr, Hassan Sheikh. Danjiire Ilyas ayaa intii uu la hadlaayey madaxweynaha ugu duceeyey in uu wajibka culus ee fuuley xiligaan adag ilaah u fududeeyo iyo shaqada baaxada weyn ee umada Soomaaliyeed ka sugayaan.
Iyadoo uu dhanka kale Danjiire Ilyas kula talyey inuu soo dhiso xukuumad tayo leh, taasoo aboodi karta iney iney wax ka qabato dhamaan howlaha horyaala dowladiisa si nabad waarta uga dhalato geyiga soomaaliya guud ahaan.
Waxaa uu sidoo kale taariikh lama ilaabaan ah ku tilmaamey sidii geesinimada laheyn ee uu usoo shaqeeyey madaxweynihii kahoreeyey asaga Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed iyo Xukuumadihiisii kala duwanaa oo muujiyey wadaniyad, Geesinimo, taariikgduna uu ka gali doono baal dahab ah umada soomaaliyeedna ay u heyso sharaf iyo karaamo weyn, isagoona kula talyey madaxweyihii hore in uu ku biiryo khibradiisa shaqo, waaya aragnimo, walalkiisa Madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamoud.
Xasiiska Somaliweyn Yurub
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|