Somali News
    Hees  

Ugu yaraan 5 qof oo ku geeriyotay Qarax dhacay mgaalada Muqdisho

Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ugu yaraan 5 qof oo ku geeriyotay Qarax dhacay mgaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Jiira Garoob ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacay Qarax nuuca miinada Dhulka lagu aaso ah kaas oo ay dad badani ay dhibaato ka soo gaaratay. Iyadoo ay dhinteen inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 ruux, halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen

Wararku waxaa uu intaas ku darayaa gaariga qaraxa uu haleelay inuu ahaa Nuuca Hoomeyda looyaqaan oo ay raacaan dadka kaas oo marayay Wadadaasi waxaana qaraxaasi geystay dhibaato badan oo leh dhimasho iyo dhaawac iyo gaarigii oo burburay islamarkaasina ay wax yeello kale soo gaartay kuwii ka agdhawaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Dad goobjoogayaal u ahaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay jiritaanka Qaraxaasi waxayna tilmaameen in goobta uu qaraxu ka dhacay ay u gurmadeen dadka deegaanka iyo ciidamadda dawladda ee ka agdhawaa halkaasi iyadoo dadkii dhaaca ahaa loola caray cusbitaalka Keysaney halka kuwii dhintayna laga qaaday goobta .

Warku Waxaa uu sheegay in ay jiraan dhibaato weeyn iyadoo la arkaayay Hilba Go'gay oo goobta Qaraxa uu ka dhacay daadsan kuwaasi oo ahaa dadkii qaraxu uu haleelay balse waxaa la soo sheegaayaa in tiradda rasmiga ah aanan la caymin karin inta ay la egtahay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa magaaladda Muqdisho ka dhacayay qaraxyo iskugu jira kuwo dhulka hoostiisa loogu aaso dadka iyo gaadiidka, kuwo gacanta ay ka tuuraan kooxdda dhalinyaradda Shabaab ay adeegsadaan iyo weliba dilal qorsheysan oo loo geysto dadka berimageydadda ah waxaana qaraxyadii ugu dambeeyay ee kan maanata dhacay ka horeyay mid ay dad ku dhinteen oo kakala dhacay suuqbacaad iyo suuqa xoolaha kuwaasi oo ay dhinteen tiro badan kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.,iyadoo anan ilaa iyo hadda cidna loo soo qabanin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)