Somali News
    Hees  

FRESH NEWS : K/Afrika Oo Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Balanqaad u Samaysay 

Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


FRESH NEWS : K/Afrika Oo Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Balanqaad u Samaysay 

Pritoria, South Africa - Dowladda Koonfur Afrika, ayaa codkeeda ku biirisay Dowladaha Caalamka ee hambalyada iyo bogaadinta usoo diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somalia Mudane Prof. Xasan Sheikh Maxamuud.

Iyadoo daqiiqado ka hor Warfidiyeenada kula hadlaysay Magaala-madaxda dalka ee Pritoria, ayey Haweneyda Madaxda ka ah Wasaaradda Arimaha Dibadda ee K/Afrika Matte Nkoana Mashabane waxa ay sheegtay in ay si weyn uso dhaweynayaan Dorashada xorta ah ee Muqdisho ka ka dhacday in ka badan 40-sanadood ka dib

Waxa ay carabka ku adkaysay inay la shaqeyn donaan ayna garab istagi donaan wax walbo oo karaankooda ah ka Dowlad ahaan.

Koonfur Afrika, oo aan horey wax cilaaqaad-Siyaasadeed ah la laheyn Somalia, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga furo Safaaraddii ugu horeysay ee ay Somalia ku yeelanayso dalkani South Africa, iyadoo Danjire Zayid Xasan Shariif oo ah Safiirka cusub uu kulan caalami ah la yeelanayo Madaxweyne Jacob Zuma.

C/risaaq Indha Jaceyl

Cape Town, South Africa

Email : Daauus1@gmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)