|
Banki Moon:“Waxa uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya.."
Mogadishu Khamiis 13 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Banki Moon:“Waxa uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya.."
War saxaafadeed uu soo saaray afayeenka xogayaha guud ee QM ban ki moon ayaa lagu canbaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ah ee lagu qaaday hotel u dhow Airporka Aden Ade oo uu ku sugnaa madaxweynaha dowladda Fedraalka soomaaliya Prof Xasan Sheekh Max’mud.
War saxaafadeedka ayuu bani ki moon ku sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid argigixisinimo ah islamarkaana auu si aad ah u cambaareenayo , waxana uu tacsi u diray qoysaskii ay ka soo jeedeen askartii waxyeelada ay ka soo gaartay weerarkaasi ismiidaaminta ah.
“Waxa uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha somalia oo hotelka ku sugnaa , waana mid ay ka dambeeyeen kooxo aan ogoleen deganaashaha dalka somalia “ayuu ban ki moon ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.
Sidoo akle Augustine mahiiga oo QM u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa isna soo saaray warsaxaafadeed uu ku cambaareenayo qaraxyadii lagu doonayay in lagu qaarijiyo madaxweynaha dowladda Somalia iyo mas’uuliyiin kale oo la socotay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|