Somali News
    Hees  

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad) oo Bogaadiyey Madaxweynaha Cusub islamarkaana sheegey in uu yimid Waqti loo Baahnaa

Mogadishu Khamiis 13 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad) oo Bogaadiyey Madaxweynaha Cusub islamarkaana sheegey in uu yimid Waqti loo Baahnaa.

Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr Ashhad ) oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga Hadley is bedelkii ka dhacay Dalka gaar ahaan Doorashadii Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Xasan Shiikh Maxamuud waxaana ugu horeyntii uu Bagaadin u Direy Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo uu sheegey in uu yahay Aqoonyahan yimid Waqti loo baahnaa.

“Muddo Sagaal sanno ayaa sugayey is bedelkaan in uu yimaado , waxaana ii muuqata fursado badan oo aan Dowladda Cusub kula Shaqeyn kara maadaama aan ahay aqoonyahan doonayo in uu Dalkiisa u abaalguda islamarkaana aan ahaa qof wax ku soo bartey Canshuurtii dalka” ayuu yiri Cabdulaahi Sheikh Xasan oo intaa raaciyey

“Waxaan kula Talinayaa Madaxweyne Prof Xasan Shiikh Maxamuud in uu soo magacaabo Raiisul Wasaare karti leh oo dalka ka badbaadin kara dhibaatooyinka uu ku jiro ee dhinaca Nabada , Dib u heshiisiinta iyo Dhaqaalaha waxay Jiritaanka Dowladaada ku xiran tahay hadba sidaa u soo xulato Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya”

Dr Cabdulahi Mar uu ka hadlayey arrimaha Gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha Cusub in uu isbedel ku sameeyo islamarkaana tixigelin ka siiyo dadka reer Banaadiriga maadaama muddo dheer lagu sameynayey Dulmi iyo Cadaaladdarro weyn , waxaa uu sheegey in uu doonayo in aqoontiisa ku biiriyo arimaha Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshadda iyo sidii dib loogu soo dhisi lahaa kaabayaashii Gobolka Banaadir taasina waxay u baahan tahay la tashi dheer.

Ugu Dambeyntii waxa uu sidoo kale Dr Cabdulaahi Bogaadin u direy Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed isagoo sheegey in uu wax weyn ka qabtey arrimaha Amaanka iyo dib u soo celintii kala dambeyntii waxaa uu sii raaciyey”Doorasho kam dhacdeen Magaalada Muqdisho adiga ayaa sabab u ahaa in ay taasi ay suurta gasho, dadaalkaasina waa mid uusan hilmaami doonin Shacabka Soomaaliyeed Taariikhda ku xusi doonto”.

Eng. Maxamed Axmed Rooble oo Hambalyo iyo Bogaadin u direy Madaxweynaha Cusub islamarkaana u soo jeediyey Talooyin

Ka: Musharaxii ugu horeeyey ee ka Tanaasula Tartanka Madaxweynanimo 30, Aug, 2012. Eng. Mohamed Ahmed Roble

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof. Xassan Sheikh Maxamuud

Asalaamu Calaykum Waraxmatulah Wabarakatu.

Salaan k adib, Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo kan Ummadda Soomaaliyeed ee samaha iyo Samaanta jecel waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof.Xassan Sheekh Maxamud oo maalinimadii Isniinta taariikhduna aheyd ( 10.Sept, 2012) lagu soo doortay Magaalada Muqdisho ee wadankeenii Hooyo, Mudane Madaxweyne Prof Xassan Sheekh Maxamud, waxaan Allaha Awooda sare leh kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilkan culus ee laguu doortey, si aad uga samata bixiso dhibaatada baaxada weyn ee ku habsaday dadka iyo dalka, Mudane Madaxweyne waxaan sidoo kale kuu rajeynaynaa in Alle Subxaanahu watacalaa kaa dhigo Hogaamiye Ummadda Soomaaliyeed ku Hogaamiya dhanka Nabada Sinnaanta iyo Caddaalada.

Sidoo kale waxaa Amaan muddan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo kuxigeenadiisa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Jeylaani Nuur Iikar & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mahad Cawad Cabdulle, oo muujiyey karti iyo howlkarnimo wanaagsan, sidoo kale waxaa amaan iyo abaalmarin muddan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo aan oran karo waxa ay Ttaariikhda ka galeen Baal Dahab ah,Ttaariikhda ayaana idin xusi doonta rabitaankii shacabka ee aad muujideen .

Waxaan mahad balaaran u jeedinayaa Gudiga farsamada iyo Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha sidii wanaagsaneyd ee ay u guteen waajibaadkii saarnaa, waxaan leeyahay waxaad mudanthin Amaan iyo Abaal marin Sidoo kale waxaan mahad balaaran u jeedinayaa Dowladihii ka geystey Hiilka iyo Hoodaba in ay suurta gasho qabsamida doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, Waxaa kale oo aan marnaba la iloobi Karin Ciidama Qalabka sida,Guulihii isdabajooga ahaa iyo sidii ay naftooda ugu hureen difaaca dadka, dalka iyo diintaba, waxaad mudantihiin Amaan iyo Abaalmarin.

Waxaa Mdaxda Cusub oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u soo jeedinayaa in aad u Hagaansantaan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay meesha ku timaadeen Xildhibaanada Baarlamanka oo iyaga Matalya Shacabka Soomaaliyeed Sidoo kale waxa u soo jeedinayaa Madaxweyne Xasan Shiikh in uu soo xulo Raiisul Wasaare karti leh oo soo dhisa Dowlada loo dhan yahay.

“Dowladaada in ay hore u socoto Waxaay ku xirantahay hadba Raisuul Wsaaraha aad Xulato waxaana midaas kuugu qiimeynaya Shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri Ing Maxamed Axmed Rooble oo uguy baaqeyn in la tashi uu la sameeyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada si aad uga hesho talo wax ku ool ah.

Ugu Dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyed in ay la shaqeeyaan Madaxda Cusub si loo gaaro Horumar , Nabad iyo Dib u heshiisiin dhab Waxaa uu sii raaciyey” Hadii aysan wada shaqeyn dhex marin Shacabka iyo Madaxda Cusub in ay meesha ka baxayso wixii la Hhigsanayey oo ahaa Nabad iyo Horumar”.

Wabilaahi Towfiiq

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)