|
Xisbiga Hiil-Qaran oo soo dhaweeyay Natiijadii Doorashada Hambalyana u diray Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Holland Khamiis 13 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xisbiga Hiil-Qaran oo soo dhaweeyay Natiijadii Doorashada Hambalyana u diray Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Xisbiga Hiilqaran wuxuu aad u soo dhoweynayaa natiijadii ka soo baxday doorashadii ka soo baxday madaxtinimada Qaranka ee ka dhacday Muqdisho taariikhda markii ay ahayd 10/09/2012. Xisbiga HiilQaran wuxuu aad u qaddirinayaa xilqaadka ay muujiyeen xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyo sida hufnaanta iyo nidaamka ah oo howshooda ku guteen. Doorashada madaxweyne Hassan Shiikh Mohamud waxay tahay mid furaysa bog cusub oo taariikhda Umadda Soomaaliyeed u bilawda. Kadib markay muddo 21 sano ku siman ahaayeen dawlad la'aan. Kuna jireen dagaallo isdaba joog ah, oo dad badani naftooda ku waayeen, dalkii iyo duunyadiiba burburiyey.
Waxaa Xisbiga Hiilqaran Farxadweyn u ah in uu Hogaanka Sare ee dalka uu maanta qabtay guddoomiyaha xisbiga Horumarka iyo Nabadda(PDP), Xisbigaas , oo sida Hiilqaran, ka tirsan xoogaggii isbedel doonka ahaa oo dadaalka ugu jireen sidii loo keeni lahaa dawlad Soomaaliyeed oo soo celisa sharafkii iyo qarannimad ummadda Soomaaliyeed.
Sidaas darteed waxuu xisbigu u hamablayaynayaa Madaxweynaha Cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhamaan xubnaha xisbiga Nabadda iyo Horumarka(PDP) guusha ay ka gaareen doorashada xilka Madaxweynaha. Wuxuuna ilaahay uga rajeynayaa in uu xilkaasi cuslus madaxweynaha u fududeeyo.
Xisbiga Hiilqaran oo arrimo badan ay ka midaysan yihiin xisbiga Nabadda iyo Horumarka(PDP), wuxuu ummadda Soomaliyeed ugu baaqayaa inuu Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu u fidiyo taageer hiil iyo hooba, si ay uga mira dhaliyaan hawsha adage e loo igmaday. Xisboga Hiil Qaran wuxuu ula heelan yahay Dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud inta taagtiisu noqoto uu gacan ka geysto dib u soo nooleynta qarankii Somaaliyeed, ummadda Soomaaliyeedna dhibaatada looga saari lahaa.
Xisbiga HiilQaran wuxuu si kulul u cambaareynaa falkii argagixiso oo lala beegsaday Madaxweynaha cusub oo loogu dan lahaa in lagu dhabarjebiyo isbeddelka iyo tilaabo qaadka horumarka Ummadda d alka ka hanaqaaday. Faalkaas fulaynimada ah laguma hakin karo kacdoonka siyaasadeed iyo bulsho oo ay ummadda ku baraarugtay.
Wa Bbillahit Towfiiq
Guddoomiyaha Golaha dhexe Hiilqaran
Dr. Ibraahim Mursal
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|