Somali News
    Hees  

Somaliland oo cambaareysay weerarkii uu ka badbaaday madaxweynaha Somalia

Mogadishu Khamiis 13 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Somaliland oo cambaareysay weerarkii uu ka badbaaday madaxweynaha Somalia

Maamulka Somalialand ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku cambaareenayo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay hotel uu ku sugnaa madaxweynaha dowladda Somalia Prof Xasan sheekh Maxamuud .

War ka soo baxay wsasaaradda arimaha dibadda maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in shacabka Somaliland iyo maamulkiisa ay si aad ah uga xun yihiin qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu doonayay in lagu qaarijiyo madaxweynaha Somalia iyo Mas’uuliyiin la socotay .

Wasiirka arimaha dibadda maamulka Somaliland Dr Mohamed Abdilahi Omar oo ku xusan warsaxaafadeedka ayaa sheegay in qaraxyadaasi maamulka Somaliland uu si aad u cambaareenayo islamarkaana tacsi uu u dirayo dadkii waxyeelada ay soo gaartay qoysaskii ay ka soo jeedeen.

Dr Mohamed Abdilahi Omar wasiirka arimaha dibadda maamulka Somaliland waxa uu shacabka soomaaliyeed iyo dowladda ku dhiiri geliyay la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argigixisada.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu wada shaqeyn la yeelanayo dowladda cusub maadaama sida uu sheegay ay yihiin labo dowladood oo deris ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)