|
Yoweri Museveni: "Xilligan Soomaaliya waxay heshay dowlad buuxda, taasina waxay ka dhigan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka gudbayaan dhibaatadii 21ka sano ay ku jireen.."
Mogadishu Khamiis 13 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Yoweri Museveni: "Xilligan Soomaaliya waxay heshay dowlad buuxda, taasina waxay ka dhigan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka gudbayaan dhibaatadii 21ka sano ay ku jireen.."
Dowladaha uganda iyo cumaan ayaa madaxweyne xasan shiikh max’uud waxa ay ugu hambalyeeyeen guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dalka somalia , waxa ay u rajeeyeen inuu noqdo madaxweyne dalka somalia dhibaatada ka saara oo horumar gaarsiiya.
Wasaaradda arimaha dibadda dowladda Uganda ayaa warqad fariin ah oo ka socota madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni waxa ay gaarsiisay safaaradda Somalia ee magaalada Kampala , waxana Museveni uu fariintiisa ku sheegay in dowladdiisu ay la shaqeeneyso lana howlgaleyso dowladda cusub ee somalia oo ay ka saacideyso la dagaalanka Al shabab iyo nabad ku soo dabaalidda dalka somalia.
madaxweynaha dalka Uganda waxa uu sheegay in xilligan somalia ay heshay dowlad buuxda taasina ay ka dhigantahay in shacabka soomaaliyeed ay ka gudbayaan dhibaatadii 21ka sano ay ku jireen.
Yoweri Museveni waxa uu fariintiisa ku xusay in dowladda uganda sidoo kale tixgelin ay siineyso mas’uuliyiintii dowladdii hore oo uu kamid yahay Sharif Sh.Axmed iyo saaxiibadiisii la saxiixay qorshihii Roadmapka oo Somalia KMGnimada looga saaray.
Dowladda uganda ayaa si gaar ah waxa ay ugu lug leedahay siyaasadda somalia , waxana ciidamada dowladdaasi oo ku howlgalaya magaca AMISOM somalia ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah al shabab.
Sidoo kale Boqorka cuman Sultan Qaboos bin Said binteymuur ayaa fariin hambalyo ah oo uu u soo diray madaxweynaha somalia xasan shiikh max’ud waxa uu ku muujiyay sida boqortooyada cumaan ay ugu faraxsantahay in dalka somalia uu yeesho madaxweyne madax ka ah dowlad aan KMG aheyn.
"Dowladda Cuman waxa ay ballanqaaedeysaa in wada shaqeyn buuxda ay la yeelaneyso dowladda Xasan shiikh Max’ud uu madaxda ka yahay , waxana umadda soomaaliyeed ay u rajeyneysaa horumar iyo barwaaqo."ayuu boqorka dalka cuman ku yiri fariintiisa hambalyada ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|