|
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta Muqdisho ka dhacay
Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta Muqdisho ka dhacay
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta oo maalinimadii Arbacadii lagu weeraray Hotelkii uu degenaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Bayaan ka soo baxay Culumaa'udiinka Ahlusuna maanta oo jimco ah ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid waxuushnimo oo aan ku saleysneyn Diin iyo dhaqan Soomaaliyed, iyagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay dalka sii gelineyso fidno iyo fowdo hor leh.
Culumaa'udiinka ayaa uga tacsiyadeeyay reerkii ay ka geeriyoodeen Askartii Soomaaliyed ee shuhadada ahaa ee qaraxaas naftii halagnimo lagu weeraray Hotelka Jazeera ee uu Madaxweynaha cusub degenaa.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in kuwii ka dambeeyay qaraxa ee naftooda haligay ay ku aaqiro seegayaan, isla markaana Alle kula xisaabtamayo naftoodii ay gooyeen, waxaana wax aan jirin ku sifeeyeen in kuwo naftooda haligay inay Janno ku galayaan ficilkii ay sameeyeen.
Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya inuu ka soo baxo waajibaadka ka saaran samata bixinta shacabka, iyo sidii amni, kala dambeyn iyo nidaam ugu soo dabaali lahaa.
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa soo dhoweeyay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya, iyo sida cadaalada laheyd ee uu u dhacay doorashadii Madaxweynaha, waxaana ay bogaadiyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif inuu dalka ku hogaamiyo nabad, midnimo iyo cadaalad iyo horumar.
Ugu dambeyn Culumaa'udiinka ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub inuu Alle kula garab-galo xilkiisa, iyo inuu shacabka Soomaaliyed ku hogaamiyo is bedel, horumar iyo barwaaqo.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|